Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) ayaa qarxiyey musuqmaasuq ka jira Canshuuraha laga qaado Shacabka ku nool Gobolka Banaadir oo aan gaarin Khasnada Dowladda.
Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay inay u soo baxday Canshuur badan oo laga qaado Shacabka Muidsho balse aan ku dhicin qasnada Dowladda oo ay si gaar ah u isticmaalaan dadka qaada Canshuurtaas, tasoo uu sheegay inay u soo jeesan doonaan wax ka qabashadeeda.
Maamulkiisa cusub ayuu sheegay iney Mudooyinkan ku mashquulsanaayeen hagaajinta Maareynta Maamulka iyo Maaliyadda, balse hadda ay usoo jeesanayaan Arimaha la xiriira Canshuurta la leexsado.
Gudoomiyaha G/Banaadir ayaa tilmaamay iney la xisaabtamayaan dadka leexsada Canshuurta Dowladda ayna sharciga horgeynayaan dadka arimahaa ku howlan, si loogu qaado danbiga ay galeen, Hay’adaha garsoorka ayuu sheegay iney horgeynayaan Kiisaskan oo uu Maamulkiisa Cusub soo ogaaday.
DHAGEYSO