Guddoomiyaha Gobalka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa raaligelin ka bixiyey weerar afka ah oo uu ku qaaday xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa ayuu ku sheegay inuu Xildhibaannada Baarlamaanka Feeraalka Soomaaliya ka raali gelinayo hadal kulul oo ku sheegay inuu ka shaqeyn la’ yahay oo xafiiska ku ciriiriyeen.
“Xildhibaanada Sharafta leh ee BFS waxaan ka raali gelinayaa fasiraad laga bixiyey hadal ujeedkiisu ahaa inaan shacabka waqti badan u helo” ayuu farriintiisa ku yiri yariisow oo culeys badan lagu saaray hadalka kasoo yeray xilli uu wareysi siiyay midka mida telefishanada Soomaalida.
Guddoomiye Yariisow oo xaalad adag heysato ayaan raaligelinta ku soo darin Golaha wasiirada xukuumadii uu ka mid ahaa, oo sidoo kale uu ku eedeeyay inuu ka shaqeyn waayey.