Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shaaciyey inuu shaqadii ka joojiyey la-taliyihiisii qarsoonaa ee dhinaca Saxaafadda, kadib markii uu ka qeyb galay xafladii caleemo saarka madaxweynihii hore xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud oo Xisbiga UPD guddoomiye ka noqday maanta.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta uu shaqadii ka joojiyey Shadoor Xaaji Maxamuud oo ahaa La-taliyaha Guddoomiyaha G/Banaadir ee arrimaha Saxaafadda, iyadoo aan la sheegin sababta shaqo joojintiisa.
Shaqo joojintan ayaa dad badan ka yaabisay, maadaama aan hore loo shaacin xilka loo magacaabay la-talyaha maanta shaqada laga joojiyey oo hore u ahaa agaasime ku xigeenka madaxtooyada Xasan Sheekh, isla markaana ka tirsanaa xisbiga PDP, markii danbena ka mid ahaa xisbiyadii kale ee mucaaradka ah xilli uu la shaqeynayey guddoomiye Yariisow.
Xogta ayaa sheegeysa in Guddoomiye Yariisow looga shakiyey xiriir uu la leeyahay kooxda Qabyo ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, taasoo keentay inuu isku furto xil ka qaadista la-taliyahiisa qarsoonaa, inkastoo aan la ogeyn sida ay ku aamini doonaan madaxda dowladda Federaalka.
HOOS KA AKHRI QORAALKA