Waxaa goor dhoweyd lagu dhawaaqay guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ah kuwa ugu da’da weyn xildhibaanada la dhaariyay.
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in shir-guddoonka ay la wareegayaan labada nin ee ugu da’da weyn ee Baarlamaanka.
Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore ayaa noqday Xildhibaanka ugu da’da weyn Xildhibaanada Baarlamaanka ee Golaha Shacabka, waxaana uu shir guddoomin doonaa golaha inta laga dooranayo Guddoon rasmi ah.
Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Xuseen Raage ayaa isna noqday ninka ugu da’da weyn Xildhibaanada Aqalka sare, isagoo xilkaasi heyn doona inta laga dooranayo Guddoonka cusub.
Labada Xildhibaan ayaa si wada jir ah u shir-guddoomin doona labada Aqal ee Baarlamaanka, kuwaasoo soo magacaabi doona Guddiga doorashada.
Labada guddoomiye ee cusub ayaa wadajir u guddoomin doona labada aqal ee Baarlamaanka inta aysan kala bixin.
Wadani.com