Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ku wajahan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.
Guddoomiyaha Gpolaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laahi iyo xubno la socda ayaa siyaabo kala duwan u tegaya magaalada Garowe.
Guddoomiye Jawaari ayaa la sheegay inuu ka qeyb galayoxXafladda furitaanka Kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wakiilada Puntland, halka Guddoomiyaha Aqalka sare uu magaalada Garowe u tegayo arrimo ku saabsan dib u eegista Dastuurka KMG ah.
Jawaari ayay noqoneysaa markii ugu horeysay ee uu tago degaanada Puntland, iyadoo la xusuusto in bannaanbaxyo looga horjeedo shaqsi ahaan isaga iyo madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh ay ka dhaceen magaalada Garowe xilligii dowladii hore oo isla xilkan uu ka hayay.