Guddoomiyeyaashii degmooyinka Gobolka Banaadir ee xilalka laga qaaday ayaa kulan la yeeshay xalay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Kulanka oo ay dalbadeen guddoomiyeyaashan oo 14 guddoomiye ka kooban aya ku saabsanaa xil ka qaadista lagu sameeyay mar qura iyo xaaladda ay ku sugan yihiin.
Waxay dacwad u gudbiyeen madaxweyne Farmaajo iyagoo sheegay inay mas’uuliyiin dowladeed soo noqdeen, isla markaana mar qura xilalkii ay banneeyeen iyagoo aan wax daryeel ah heysan, waxayna ka cawdeen qaabka dowladda ula dhaqantay iyo xaaladda ammaanka.
Madaxweyne Farmaao ayaa u sheegay inuu aamisan yahay inaan la sii deyn ee dowladdu xaliso arrimahooda maadaama ayuu yiri ay eed u galeen danta qaranka. Wuxuuna sheegay in arrimahooda dib loo eegayo.
Guddoomiyeyaashii degmooyinka Gobolka Banaadir ee xilalka laga qaaday ayaa u badan aqoonyahanno dhalinyaro ah oo hal habeen xilalkii laga qaaday taasoo ahayd taariikh ku cusub maamulka Gobolka Banaadir.
Wadani