Wararka laga helayo maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xilalkii laga qaaday inta badan guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa xilkii ka qaaday 14 guddoomiye degmo oo mar qura waayay xilalkooda, waxaana lagu bedelay guddoomiyeyaal cusub.
Shan ka mida guddoomiyeyaasha cusub ee loo magacaabay Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inay haween yihiin, iyadoo qaar kale ay dhalinyaro u badan yihiin, waxaana socda caawa ogeysiinta guddoomiyeyaashii hore.
Tallaabadan ayaa ah tii ugu horeysay ee mar qura xilalka looga qaado tiro intaas la eg oo guddoomiyeyaal degmo ah, waxaana sidoo kale la yaab leh tirada haweenka fara badan ee lagu soo daray oo qeyb ka ah qorshaha dowladda Farmaajo oo ku raaliglelineysa beesha caalamka.
AKHRISO: Magacyada Guddoomiyeyaasha cusub ee loo magacaabay Degmooyinka G/Benaadir
Wadani.com