Waxaa kasii dareysa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gobolka Gedo, kadib markii uu is casilay guddoomiyihii degmada Garbahaarey Iimaan Caddow Kaarshe oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ka soo horjeeda Axmed Madoobe ee la safan Maxamed Cabdi Kaliil.
Siyaasiyiin, xildhibaano iyo xubno ka socda maamulka Jubba oo uu hogaaminayo C/llaahi Fartaag ayaa muddo dheer ku wada sugan magaalada iyagoo ku guul darreystay inay xal u helaan khilaafka Gobolka Gedo.
Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in guddoomiye cusub loo magacaabay degmada Garbahaarey kadib markii ay ka shireen is casilaadiisa maamulka, xildhibaanada iyo waxgaradka Gobolka, wuxuuna ku dhawaaqay in C/llaahi Sheekh Faarax loo magacaabay guddoomiyaha Garbahaarey.
Wadani.com