Wadarla laga helayo magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa xaqiijinaya inuu goordhow dhaawicii soo gaaray u geeriyooday guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).
Guddoomiye Yariisow ayaa ku dhaawacmay qarixii ka dhex dhacay 24kii Bishii July ee sanadkaan Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Dhaawaca guddoomiyihii Gobolkan Banaadir oo lagu daweeynayay Isbitaalka Hamad ee magaalada Doxa ee dalka Qatar ayaa geeridiisa waxaa xajiiyay Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar.
Waxa iska soo daba dhacaya tacsida loo dirayo guddoomiyaha G/Banaadir, iyadoo madaxda dowladda Somalia, xildhibaanno iyo siyasiyiin ay tacsi gaarsiiyeen ehelada iyo qoyska C/raxmaan Yariisow.