Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose isagoo magacaabay guddoomiye cusub.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Shariif Xasan ayaa waxaa loogu magacaabay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Hoose inuu Maxamed Ibraahim Barre, taasoo sabab looga dhigay in la dardar gelinayo maamulka Gobolkaasi iyo soo jeedinta Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo xilka laga qaaday ayaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO