Waxaa maanta ka socda magaalada Muqdisho aas loo sameynayo Allaha u naxariistii Guddoomiyihii Degmada Hodon C/xakiin C/raxmaan Ciise (Dhega-juun) oo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay habeen hore dileen.
Madaxda xukuumadda Federaalka, xildhibaanno iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay salaadii Janaasada ee Marxuumka oo ka dhacay Masjidka weyn ee Isbaheysiga Islaamka Magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta ka qeyb galay janaasadda waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda FederaalkaMaxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed, wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga iyo mas’uuliyiin kale.
Maraxuumka ayaa aaskiisa ka dhacaya magaalada Muqdisho, waxaana guddi qabanqaabo oo ka kooban 7 xubnood u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.



