Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Maxamed Nur Macalimuu ayaa qeylodhaan kasoo saaray xayiraad uu sheegay inay saareen madaxda Hayadda Sirdoonka ee NISA.
Qoraal uu soo saaray ayuu guddoomiye Macalimuu ku yiri: “Waxaa jira dhibaato xoogan oo hayada NISA ku hayso masuuliyiintii kasoo jeeday Gobolka Gedo, sida Xildhibaanada, Saraakiisha, Wariyaasha, Odoyaasha dhaqanka iyo cid kasta oo rabta inay ka dhoofto garoonka aadan cade oo u socota gobolka gedo”.
Isagoo ka hadlayey xaaladiisa ayuu sheegay inuusan ka bixi karin magaalada Muqdisho. “Waxaa nasiib daro ah anigoo ah masuul heer jubaland ah oo shaqo fiican lasoo qabtay dowladda, kusoo dhaweeyay gobolka ciidanka dowlada, lasoo halgamay usoo dakanoobay haykalka dowladnimo oo aan mucaarad ku ahayn nidaamka Nabad iyo Nolol in la ii ogolaan waayo in aan booqdo deegaankaygii, caruurtaydii iyo gurigii aan ku dhashay. Sababtana ma aqaan, balse kaliya waxaan ogahay inay ka dambeeyaan foolxumadaan madaxda hayada NISA”.
Wuxuu ugu baaqay Ra’iisal Wasaare Rooble in uu guddi baara u saaro dhibaatada garoonka Aadan Cade ay ka wado hayada NISA ee lagu dhibaataynayo waxgaradka iyo siyaasiyiinta jubaland ee gobolka Gedo kasoo jeeda.
“Sidee garbahaaray doorasho uga dhici kartaa iyadoo aan laga dhoofi karin garoonka aadan cade ? Yaa masuul ka ah amniga dalka ? Gedo soo dalka la wareejiyay amnigiisa kama mid ahan ? Ma Raysalwasaare Rooble baa amniga dalka masuul ka ah ? Mise Cabdulahi Kulane ? Jawaab baan ka rabaa xafiiska pm Rooble.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Macalimuu.
