Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa lagu soo dhoweeyay dalka Sweden oo uu dhowaan gaaray.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Malmo dalka Sweden ayaa u sameeyay guddoomiyaha xaflad soo dhoweyn ah, iyadoo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda iyo xubno ka yimid dalka Denmark.
“Waxaan u mahadcelinayaa jaaliyadda soomaaliyeed ee Malmo, Sweden oo si wanaagsan oo sharaf leh iigu soo dhaweeyay magaalada Malmo. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Ku-xigeenka Duqa magaalada Malmo & siyaasiyiinta magaalada oo si wadajir ah inoo soo dhoweeyay…” ayuu yiri Taabit Cabdi oo socod ku maraya dalal ka mida Yurub iyo Waqooyiga Mareykanka.





![Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo lagu soo dhoweeyay dalka Sweden [Sawirro]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2018/03/Taabit-Malmo.jpg)