Guddoomiyihii Gobolka Gedo ee xilka laga qaaday Cismaan Nuur Xaaji (Macalimow) ayaa xilka ku wareejiyey qaab aan la fileyn, kadib wadahadal dhex maray madaxda dowladda Soomaaliya.
Warar hore u soo baxay ayaa sheegeyay inuu Macalimow diidan yahay xil wareejinta, isla markaana uu saluugay qaabka loola dhaqmay, isagoo aan aqoonsaneyn wasiir ku xigeenka arrimaha gudhaa Jubbaland ee xilka ka qaaday, kaasoo hore uga goostay Axmed; balse ay arrinta dhex galeen Madaxda dowladda Soomaaliya ee maamusha Gobolka Gedo oo ku qanciyey inuu xilka wareejiyo.
“Lix degmo, saddex degaan ayaa wada shaqeynaya oo dowladda Federaalka ay maamushaa, waxay noo tahay farxad inaan halkan soo gaarsiino.. Waxaan ku shaqeynyay awaamiirta dowladda ayey ahayd, mar haddii aan go’aansaday inaan xilka ku wareejiyo saaxiibkey oo la shaqeeyo…” ayuu yiri Guddoomiyihii hore Cusmaan Macalimuu oo guddoomiyeyaasha degmooyinka Gedo ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub.
Xil wareejiinta ayaa ahayd mid aan hore loo arag, waxaan muuqaal laga duubay ka muuqatay inay ka dhacay goob Guri ah, iyadoo aysan cidna ku wehlin Guddoomiyihii hore Cismaan Nuur Xaaji (Macalimow) iyo guddoomiyaha cusub Axmed Buulle Gareed (Canjeex).
Gobolka Gedo ayaa waxaa dowladda Federaalka u Maamula Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo u mara sarkaalka labaad ee ugu sareeya NISA C/llaaih Aden Kulane oo iyaguna hoostaga Madaxweyne Farmaajo.
