Waxaa soo gabagaboobay doorashadii Guddoonka Baarlamaanka maamulka cusub ee Galmudug, waxayna xubnaha loo doortay xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug ay kala yihiin:

Guddoomiyaha Baarlamaanka: Cali Gacal Casir
Guddoomiye ku ku xigeenka koowaad: Xareed Cali Xareed
Guddoomiye ku xigeenka labaad Maxamed Maalin.
Saddexda nin ee guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa loo dhaariyay xilka, waxayna guddoomin doonaan baarlamaan ka kooban 89 xubnood iyagoo xilka kala wareegay guddigii farsamada iyo hay’adihii kale ee dowladda Federaalka oo howshaas muddo dheer soo waday.
Baarlamaanka Galmudug ayaa la qorsheeyay inuu 4-ta July doorto madaxweyne iyo ku xigeen uu yeesho maamulkaasi, halkaasi oo maamulkaasi ku dhameystirmi doono.
Goobj