Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Guddoonka Baarlamaanka oo Raaligelin ka siiyey Wasaaradda Maaliyadda Warbixintii Guddiga Maaliyadda [Akhriso]

    Guddoonka Baarlamaanka oo Raaligelin ka siiyey Wasaaradda Maaliyadda Warbixintii Guddiga Maaliyadda [Akhriso]

    November 24, 2018Updated:November 24, 20183 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dood xasaasi ah oo ay hareysay muran iyo buuq ayaa lagu soo gabagabeeyay xarunta Baarlamaanka, kadib fadhigii maanta oo looga dooday warbixin ay diyaariyeen qaar ka mida Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka.

    Waxaa fadhiga ka hadlay xildhibaanno iska horjeeda oo ka tirsan Guddiga oo qaarkood sheegay inaysan la socon warbixinta, ayna sharci ahayn qaabka loo dhigay, kadibna waxay xubnaha guddiga maaliyadda is dhaafsadeen hadallo iska horjeeda. [Akhriso Warka]

    Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa warbixin ka bixiyey lacagta  la sheegay inay maqan tahay ee musuqmaasuqay, waxaana la sheegay inay 50-ka Milyan doolar ee ka timid Sacuudiga la isticmaalay 35 Milyan oo ka mida, iyadoo 15-ka milyan ee kale ay harsan tahay oo ay taallo.

    Wasiirka Maaliyadda, ku xigeenkiisa iyo Wasiiru dowlaha ayaa si kulul u weerarray xildhibananda soo diyaariyey warbixinta oo qaarkood la sheegay in Qandaraasyo gaara ay dowladda ka joojisay oo dano gaara ay difaacayaan, waxaana wasiir Beyle uu sheegay in lagu heysto fulinta mashaariic. [Akhriso Warkan]

    Ugu danbeyntii guddoomiye ku xigeenka labaada ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay inay khalad ahayd qaabka warbixinta ay ku timid Golaha baarlamaanka, markii Guddi ka mida Guddiyada Golaha Shacabka uu warbixin keenayo ay tahay in raaco nidaam ah in marka hore loo gudbiyo Guddiya Joogtada ah oo markuu ka doodo kadib la keeno Golaha.

    Mahad Cawad ayaa raaligelin ka bixiyey warbixinta guddiga maaliyadda ee la keenay Golaha oo khaladkeena ay leeyihiin Guddoonka, wuxuuna intaas ku daray in Guddiga maaliyadda oo kala qeybsan iyo warbixinta oo aan wax caddeyn ah wadan ay ka dhigayaan inay tahay mid wax kama jiraan ah.

    “Waxaan raaligelin ka bixinaynaa in Golaha la keeno xeer ama howl aan lala wadaagin Guddiga Joogtada ah iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana raaligelin ka bixinaynaa haddii khalad naga dhacay. Guddiga Maaliyadda oo ah guddi aad u shaqo badan, waxaa ka yimid duleel, waxayna guddigu sheegeen in ay ku wada hadleen whatsapp-ka. Baarlamaanku ma sheegin in la lunsaday $40 milyan. Waxaan ka siinaynaa raaligelin shacabka iyo Wasaaradda Maaliyada, warbixintaanna hab-raac sax ah lama soo marsiin. Xeerkaan halkaas ayaa looga gudbayaa, dib dambena looma keeni karo Golaha” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad, oo sidoo kale sheegay inuu Kulanka Golaha Shacabku xiran yahay.

    Fadhigii maanta oo dood weyn ka dhacday ayaa waxaa ka dhex muuqday in Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka uu kala qeybsamay, iyadoo xildhibaanka warbxinta diyaariyey ee ka dambeeya arrintan oo dhan uu noqday wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda maaliyadda dowladii Xasan Sheekh C/llaahi Maxamed Nuur oo dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyo xukuumadda Kheyre.

    Guddiga Maaliyadda Top Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiir Beyle: “Waxaa leygu haystaa waa mashruuc ii fuli, Warbixintnuna waa mala-awaal..”  [Akhriso]
    Next Article Kooxda Alshabaab oo weerar Jid-gooyo ah u dhigtay Ciidamo ka tirsan Dowladda & Askar lagu laayey

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo