Guddoonka Golaha Shacabka ayaa go’aan ka gaaray murankii ka taagnaa xildhibaannada lagu soo doortay Gobolka Gedo, kadib qoraal culus oo kasoo baxay goor dhoweyd.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa qoraalkooda ku sheegay inay sharciyad buuxda heystaan xildhibaannada lagu soo doortay Ceelwaaq, isla markaan ay mareen dhammaan habraacyada looga baahnaa heer dowlad Goboleed iyo heer federaal.
HOOS KA AKHRISO GO’AANKA
GSH. 0005/XGG/05/22 Mogadishu, 8 May 2022
WAR MURTTYEED KA SOO BAXAY GUDDOONKA GOLAHA SHACABKA EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA
UJEEDDO: Matalaada Gobolka Gedo ee Dawlad Goboleedka Jubaland
Guddoonka Golaha Shacabku Markuu Arkay: lix iyo toban Xildhibaan oo lagu doortey Degmada Ceelwaq ee Gobolka Gedo iyo Lix iyo toban Xildhibaan oo sheeganaya in lagu soo doortay Degmada Garbahaaray ee Gobolka Gedo.
Markuu Arkay: In aanay sharci ahayn in Gobolka Gedo ka soo baxaan Sodon iyo laba Xildhibaan;
Markuu Arkay: Xildhibaanadda lagu soo doortey Degmada Ceelwaaq ce Gobolka Gedo in ay Habraca Doornshadooda mariyeen Guddiga Hirgalinta Doorshadda Dadban ce Heer Federaal isla mackaana ay Doorshadooda qabteen Guddiga Hirgalinta Doorashadda dadban ce Heer Dawlad Goboleed;
Markuu Arkay: Xildhibaanadda sheeganaya in lagu soo doortey Degmada Garbahaarey aanay heysan shahaadadii Guddiga Hirgalinta Doorshadda Dadban ce Heer Federaal isla markaana aanay Doorshadooda qaban Guddiga Hirgalinta Doorashadda dadban ee Heer Dawlad Goboleed;
Markuu Arkay: Buuqa harecreeyey Golaha Shacabka Fadhiyadiisa oo sabab ay u ahayd Sodon iyo Labada Xildhibaano ce Gobolka Gedo;
Markuu Arkay: Go’aankii uu ku aqoonsaday Guddoomiyihii KMG ahaa Xildhibaan Amb. Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabanacad) Xildhibaanda lagu soo doortay Degmada Ceelwaaq ce Gobolka Gedo. Xildhibaanadaas oo la dhaariyey isla markaana habraacooda loo dhamaystirey si waafaqsan go’aankii Guddoomiyaha KMG ahaa Xildhibaan Amb. Cabdisalaan Xaaji Axmed Libaan (Dhabanacad)
Markuu Garowsaday: Iyada oo la raacayo Xaqa Dastuurka KMG ee JFS u siiyey Muwaadinka Soomaaliga ah in ay cod iyo matalaad yeeshaan muwaadiniinta Gobolka Gedo si la mid ah muwaadiniinta ku nool Gobolada kale ce Dalka.
Guddoonka Golahu Waxuu Isla gartay:
1- In Xildhibaanada lagu soo doortey Degmada Ceclwaag ee Gobolka Gedo ay yihiin kuwa Sharci ahaan ku matalaya Gobolka Gedo Baadamaanka 11aad; maadaama Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubaland uu furay Doorashada, habraca Doorashadooda ay qabteen Guddiga Hirgalinta Doorashadda dadban ce Heer Dawlad Goboleed, Shahandada rasmiga ee Xildhibaanimadana ay siycen Guddiga Hirgalinta Doorshadda Dadban ee Heer Federaal, uuna taageerey R/Wasaaraha X.F.S oo ah Madaxa Doorshada Dadban ce 2021/2022, sidaa darteed aanay jirin meel laga duro habraaca Xildhibaanada lagu soo doortey Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
2- Guddoonku waxuu ku talinayaa dadka walaalaha ee Gobolka Gedo ee xurgufta siyaasadeed soo kala dhex gashay in ay khilaafkooda wadahadal ku dhameeyan maadaama ay doorashadii dhamaatey.
Wabilaahi Tawfiiq

