Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dib u dhigis ku sameeyay furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka oo lagu waday inuu maanta furmo.
Qoraal kasoo baxay Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa lagu sheegay iyadoo la ilaalinayo bedqabka xildhibaannada, Senatoorada, guddoonka iyo Shaqaalaha Baarlamaanka in la go’aamiyey dib u dhigista furitaanka kalfdhiga 7-aad ee Baaralmaanka oo ku mudeynaa maanta 20-ka April 2020.
Lama sheegin xilliga la furayo kalfadhiga, waxaana qoraalka lagu sheegay in xilliga ay ku haboonaato dib laga soo sheegi doono, guddoonkuna qoraal kasoo saari doono.