Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Yuusuf Jibriil uu wada mooshin xasaaanada looga qaadayo 8 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland.
Xildhibaannadan ayaa lagu eedeynayaa inay buuq ka sameeyaan shirkii Golaha, markii ay guddoomiyaha isku qabteen qorshe ay doonayeen in Golaha la keeno Wasiir ka tirsan xukuumadda Puntland, waxayna kala yihiin magacyadooda:
1- Maxamud Maxamed Barre
2- Saleeban Faarax
3- C/raxman Dhoore
4- Abdirahman Diiriye Carab
5- C/jamaal Cismaan
6- C/qani Surato
7- Muuse Jajabsay
8- Gen Badugaye
Dhinac kale xildhibaano ku dhow 20 ayaa la sheegay inay mooshin ka gudbinayaan Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, waxayna u badan kuwa kasoo jeeda Gobollada Sool, Sanaag iyo Bari, iyadoo ku eedeyaya Guddoomiyaha ku eedaynaya, inuu ku xad-gudbay xilkiisa, Baarlamankana u af-duubay xukuumadda Puntland.
