Gudoomiyaha Golaha Badbaadda Hirshabeelle Mudane C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij) ayaa dhaliilay kulan ay Muqdisho ku yeesheen Madaxda Sare ee Hirshabeelle iyo Gudi Xildhibaano ah oo ka socday Aqalka Sare.
Gudoomiye C/qaadir Barnaamij ayaa yiri “Xarunta Hirshabeelle waa jowhar, waxaa nasiib daro ah in Muqdisho gudiga xildhibaanada Aqalka Sare lagula kulmo Muqdisho iyadoo Maamulada kale lagula kulmay Magaalo Madaxyada Maamul Goboleedyada, tani waxay salka ku haysaa dareen la’aanta siyaasadeed ee Madaxweyne Waare”
Gudoomiye Barnaamij oo Baaq u diray Hogaanka Hirshabeelle ayaa yiri “Madaxweynaha, Madaxweyne ku Xigeenka, Gudoomiyaha Barlamaanka, iyo Xildhibaanada, Wasiirada, Agaasimayaasha waxan ku boorinayaa in ay ku laabtaan Hirshabeelle, waxaa nasiib daro ah 95% Hogaankii, Xildhibaanadii iyo Howlwadeenadii Hirshabeelle in ay joogaan Muqdisho”
Gudoomiyaha Barnaamij oo Xildhibaanada Barlamaanka baaq u dirayay ayaa yiri “Waan uga mahad celin Gudoonka Barlamaanka iyo Xildhibaanada Isla xisaabtanka aad sameyseen bilowgii kalfadhiga, waxan idiin soo gudbinayaa dareenaka shacabka oo ah in xili badan uu kulumay fasax dheer oo aan fasiraad lahayn, waxa shacabka Hirshabeelle idinka fadhiyaan in si geesinimo le ula xisaabtantaan Madaxweyne Waare, Waqtigii kalfadhiga ka lumayna dib uga kabtaan kalfadhigaan taasoo sharaftiina kor usii qaadi doonto”
Gudoomiyaha oo ka hadlay mustaqbalka Madaxweyne Waare ayaa yiri “Sanad kadib markii la doortay Madaxweyne Waare ma jiro wax u soo kordhay Hirshabeelle, Sanad ka dib shacabka Hirshabeelle iyo waxgaradkuba waxay u arkaan in uu yahay “Madaxweyne Kadare”, Kadare dhanka amniga oo waxaa la dilay xildhibaano, saraakiil, askar, howladeeno iyo Shacab, kadare dhanka siyaasada oo Hirshabelle waa jahwareertay, Kadare dhanka maamulka oo Hiiraan waxay sii maraysaa 4 gudoomiye sanad gudihiis, Madaxtooyadana 3 Agaasime, Shaqaale rayid ah oo rasami ahna ma jiro, sanadkaas wasiir guno qaatay ma jiro, Runtii Madaxweyne Waare kama shaqeeyo siyaasad mana ahan siyaasi, waxan ka warsugeynaa la xisaabtanka xildhibaanada waxanan ka fileynaa talaabo xil ka qaadis ah taasoo ay ku farxi doonaan shacabka Hirshabeelle siina kordhin doonto Sumacada Xildhibaanada Hirshabeelle soona celin doonto rajada sii dhimanaysa ee Hirshabeelle”