Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Gudoomiye ku xigeenka Aqalka Sare oo Dacwad ku saabsan Askarta ku maqan Eritrea kusoo oogaya Farmajo

    Gudoomiye ku xigeenka Aqalka Sare oo Dacwad ku saabsan Askarta ku maqan Eritrea kusoo oogaya Farmajo

    June 8, 2021Updated:June 9, 20214 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayuu ku sheega inuu hoggaamin doono dadaal lagu raadinayo xuquuqda askarta Soomaaliyeed ee ku maqan dalka Eritrea.

    Wuxuu caddeeyay inuu o qoraal rasmi ah u gudbin doono Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka kana codsan doona in la furo kiis lagu baarayo laguna ogaanayo xaaladda ilmahaas oo klu baxay amarka madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

    Sida aan wada ognahay, waxaa jiray ubad Soomaaliyeed oo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo uu amray in la qoro loona qaado Dalka Eriteriya si ay tabobar ciidan oo qarsoodi ah ugu soo qaataan dalkaas.

    Hannaanka qorista ciidankaasi waxaa loo maray qaab qarsoodi oo ka baxsan xayndaabka nidaamka ciidan qorista ee dastuuriga ah sida ku cad Qod.27aad “Muwaadin kasta oo Soomaali ah waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb qaato jagooyinka iyo jaranjarooyinka darajo ee Ciidammada iyada oo aan la takooreyn, iyada oo la ilaalinaaya xuquuqda haweenka ee arrintan la xiriirta”.

    Dhammaan ciidanka la qaaday waxaa loo qoray si qarsoodi ah iyada oo lagu faafiyay bulshada dhexdeeda dacaayad ah in ciidanka loo qorayo Dowladda Qatar oo soo codsatay, taas oo keentay in dhalinyaradu (18 – 25 sano) ay si qarsoodi ah isu diiwaangeliyaan kuna qanciyaan waalidkooda iyo eheladooda. Xitaa dadka qaar waxaa laga qaatay lacago si ilmahooda loogu daro liiska ciidankaas.

    Marna ma jirin ogeysiin rasmi ah oo ka soo baxday talisyada ciidamada ama wasaaradaha amniga gudaha iyo gaashaandhigga. Sidaas daraadeed, ilaa iyo hadda lama garanayo nooca ciidan ee ay yihiin iyo ujeeddada ciidankaasi loo qaaday.

    Haddaba, waxaa jira warar la xaqiijiyay oo tilmaamaya in ciidamadaasi la geeyay gobolka Tigray ee Ethiopia waxaana ugu dambeeyay warbixinta sannadlaha ah ee uu soo saaray u-qaabilsanaha xuquuqda aadanaha ee Hay’adda Qaramada Midoobay kuna saabsan xaaladda xuquuqul insaanka ee Eriteriya, Mohamed Abdelsalam Babiker.

    Warbixintan waxaa loo jeedinayaa fadhiga guud ee Golaha Xuquuqul Insaanka Hay’adda Qaramada Midoobay: “Waxaa i soo garay xog sheegaysa in ciidamada Soomaalida laga qaaday xeryaha ay tabobarka ku qaadanayeen lana geeyay goobaha dagaalka ee Gobolka Tigray iyaga oo la socday ciidamada Ereteriya”.

    Haddaba,
    • Mar haddii hannaankii lagu qaaday ciidanka aysan waafaqsaneyn sharciga Dalka u yaalla.
    • Mar haddii ay isa soo tarayaan warbixinnada gaboodfalka loo geystay carruurta Soomaaliyeed. • Mar haddii Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ay sida aan kor ku soo sheegay uga hadleen xaaladda.
    • Mar haddii laga jawaabi waayay baaqyadii siyaasiyiinta iyo goleyaasha Dowladda lana dhageysan waayay codsiyadii ka imaanayay waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtoodu ka maqan yihiin muddo ku dhow labo sano.

    Xitaa kuwa mar soo hadlay – sida la sheegay – lama garanayo in lagu khasbayay iyo in kale in ay u hadlaan sida dad aan dhibaato qabin.

    Waxaa nala gudboon in aan qaadno tallaabooyinka soo socda:

    1. Aniga waxaan hoggaaminayaa dadaal lagu raadinayo xuquuqda ubadkaas Soomaaliyeed aniga oo qoraal rasmi ah u gudbin doona Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka kana codsan doona in la furo kiis lagu baarayo laguna ogaanayo xaaladda ilmahaasi iyada oo la qaadayo dhammaan tallaabooyinka uu sharcigu tilmaamay.

    2. In waalidiinta Soomaaliyeed ay raadsadaan ubadkooda iyaga isticmaalaya xaquuqdooda dastuuriga ah ee la xiriirta helidda xog kasta oo ay hayso Dowladda sida uu xeeriyay Qod.32aad ee Dastuurka KMG ah:

    • Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo macluumaadka ay Dawladdu hayso.
    • Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay helitaanka macluumaadka ay cid kale hayso oo loogu baahan yahay in lagu fuliyo ama lagu ilaaliyo xuquuq kastoo kale oo daw loo leeyahay.

    3. Dhammaan siyaasiyiinta, Shacabka Soomaaliyeed, hay’adaha xuquuqul insaanka ee ka howlgala Soomaaliya in ay u istaagaan sidii loo heli lahaa carruurtaasi ku maqan Amarka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday si loo badbaadiyo intii ka hartay ubadkaasi.

    Abshir Bukhaari askarta maqan Eritrea Farmaajo Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDayacaadii Dowladda & Da’yartii loo qaadey Dalka Eriterea…!!! (Qormo Dareen xambaarsan)
    Next Article Jowhar maxaan ku soo arkay..? (Qormadii Wasiir Cismaan Dubbe)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo