Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay magacaabista maamulka cusub Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Amina Saciid Cali, wuxuuna soo magacaabay Gudoomiye Cusub iyo laba ku xigeen, kuwaas oo kala ah:
1- Safiya Xasan Maxamed- Guddoomiye
2- Cabdullahi Aadan Cabdi, Guddoomiye kuxigeenka 1-aad
3- Maxamed Cabdullahi Salaad, ku xigeenka 2-aad
Magacaabiddan ayaa qeyb ka ah isbedelka sanad kadib dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ku sameyneyso hay’adha dowladda federaalka.