Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Thabit Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga jawaabay war kasoo yeeray Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed oo ku saabsanaa Doorashada Dalka.
Qoraal uu Thabit soo diray ayuu ku naqdiyey in arday yaryar loo adeegsado olole doorasho, isagoo sheegay inay damiir xumo tahay arrintaasi arday saqiiro ah oo aanay wax adeeg ah siinin dowladda, isagoo aan soo hadal qaadin Ra’iisal wasaare ku xigeenka.
“Qof kasta xaq buu u leeyahay inuu u ololeeyo qofka uu la dhacsan yahay balse hadalku madal ayuu leeyahay; Arday saqiirro ah oo aan nabadgalyo, caafimad iyo adeegii dowladnimo heysan, lagana yaabaa in qaarkood aysan soo quraacan, misana u soo lugeeyay Tiyaatarka, in olole doorasho lagula aadaamo waa damiir xumo laga naxo, wiliba kuweena tusaale wanaagsan u noqon lahaa” ayuu yiri Duqii hore ee Muqdisho Thabit oo hore uga mid ahaa saaxiibada Madaxweyne Farmaajo balse xilka laga qaadya markii ay isku dhaceen.
