Warar naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal qaraar oo gudaha degmada ka dhacay dib loo celiyay ciidamadii dowladda ee isku dayay inay saaka dib u qabsadaan Guriceel dagaal socday saacado oo khasaare badan dhaliyay.
Ciidamada Ahlu sunna ayaa dib ula wareegay Guriceel kadib markii ay iska caabiyeen dibna u celiyeen ciidamadii dowladda ee soo weeraray saaka isla markaana qabsadya qeybo ka mida degmada oo uu ka mid yahay saldhiga iyo xarunta degmada.
[ad name=”HTML-3″]
Dad ku sugan Guriceel ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada suufiyada ee Ahlusunna hadda ku sugan yihiin Guriceel iyo agagaarkeeda iyadoo ciidamadii dowladda ay isaga baxeen kuna sugan yihiin meel aan u dheereyn. Rasaas goosgoos ah ayaa la sheegay inay ka dhaceyso duleedka degmada; saraakiisha ciidmada dowladda ayaa sheegay inuu weli dagaalku socdo.
Dagaalka Guriceel ayaa u muuqda mid ka sii daraya khasaarihiisuna sii kordhayo, iyadoo lagu waday in maamul loo sameeyo Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo degaanada lagu dagaalamayo ku jiraan.
[ad name=”HTML”]