Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Monday, June 8
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Guriga Baarlamaanka Soomaaliya dib loo hisayo & Lacag dhan $100 milyan oo ku baxeysa [Akhriso warbixin]

    Guriga Baarlamaanka Soomaaliya dib loo hisayo & Lacag dhan $100 milyan oo ku baxeysa [Akhriso warbixin]

    March 6, 2018Updated:March 6, 20182 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa soo bandhigay qorshe cusub oo lagu dhisayo guriga baarlamaanka oo ku burburay dagaaladii sokeeye.

    Jawaari oo ka hadlayay barnaamij si toos ah uga baxayay taleefishinka dowladda ee SNTV oo lagu qabtay Muqdisho, ayna kasoo qeybgaleen dad badan ayaa la weeydiiyay sababta muddo sanooyin badan ah loo dhisi la’yahay.

    Jawaari ayaa yiri “Gurigaas waa guri sharaf leh, magaciisa waxaa la yiraahdaa Golaha Ummadda, wuxuuna mudanyahay in uu yeesho guri u dhigma (meeqaamkiisa) oo magaalo madaxda ka dhex muuqda, lacag badan ayuu u baahanyahay, waxaa is weeydiin mudan sababta aan u dhex fadhino isaga oo jajaban”.

    Jawaari ayaa intaasi ku daray in xikmaddu tahay in maadaamaa ay dadka burburiyeen, in ay ku waano qaataan, maalin kastana ay xusuus u noqoto marka ay burburkiisa arkaan, si aanan markale loo burburin, isaga oo xusay in sida gurigaas uu u burburay, dadkuna maskaxdooda u burburtay.

    Jawaari wuxuu sheegay in guriga gabi ahaantiisa la burburin doono, baarlamaankana u guuri doono meel kumeelgaar ah oo uu kusii shaqeeyo, kadibna la bilaabi doono dhismaha guriga.

    “Biloowga sanadka soo socda dumis ayaa lagu bilaabaa, lacag badan ayuu u baahanyahay, wajiga koowaad oo kaliya waa $60 milyan oo doolar, 7 dabaq ayuu noqonayaa oo xildhibaan kasta uu xafiiskiisa gaarka ah leeyahay, oo labada aqalba ay galayaan, shirarka adduunkana lagu qabanayo, illaa 100 milyan waa gaaraa, hadda ma hayno lacag, balse alle mahadiis dowladda Turkiga ayaa ogolaatay in ay bixiso” ayuu yiri Prof Jawaari.

    Guddoomiyaha oo ay dhif iyo naadir tahay in uu warbaahinta la hadlo, ayaa dadweynaha uga jawaabayay su’aalo badan oo ay ka qabeen arrimaha baarlamaanka.

    Guriga Golaha Shacabka ayaa la dhisay xilligii dowladdii kacaanka, guddoomiye Jawaarina waxa uu xusuustaa maalmihii wacnaa ee uu soo maray oo ay ka mid tahay markii gurigan lagu qabtay shirkii Midoowgii Afrika.

    Horey waxaa u jiray guri kale oo uu baarlamaanka Soomaaliya lahaa oo lagu shaqaynayay 1960-kii iyo ka hor, kaas oo ku yiilay meel u dhow Daljirka Dahsoon, balse hadda waa uu burburay, waxa kaliya ee ka haray ayaa ah darbiyo.

    Baarlamaanka Jawaari Muqdisho Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal wasaare Kheyre oo Magaalada Washington uga qeyb galay Dood uu qabanqaabiyey Bankiga Adduunka [Sawirro]
    Next Article Xildhibaan Zakariye: “Imaaraadku duullaan ayuu ku soo qaaday madax bannaanida Soomaaliya, waana…” [Dhageyso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo