Guri caan ah oo muddo 14 sano ah ka dhex qotonsanaa waddo weyn oo ay baabuurta maraan oo mashquul badan ayaa kama dambaystii la dumiyay.
Guriga oo ku yiilay magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha ayaa mulkiilayaasha waxa ay diiday in ay aqbalaan dalab kasta oo loosoo bandhigay in ay guriga ku dumiyaan laga soo bilaabo sanadkii 2003-dii, xiligaas oo ay wadada kusoo hagaagtay gurigan.
Waxa ay sheegeen in lacagta magdhowga ah ee guriga laga siinayay ay aad u yarayd. Guryahan noocan oo kale ah ayaa aad ugu badan Shiinaha, waxaana lagu magacaabaa “guriga musbaarka” maadaamaa dadka leh ay had iyo goor diidaan in ay dumiyaan haddii ay waddo kusoo hagaagto.
Dadka Gurigan lahaa ayaa ugu danbeyn aqbalay lacag dhan 2.7 Milyan Yuan oo lacagta SHiinaha ah oo u dhiganty ($412,000), sida ay shaacisay warbaahinta dalkaasi.
Gurigan Shanghain ayaa waxa uu kalifay in ay baabuurta labada dhinac ka maraan , wuxuuna marar badan halis ku ahaa baabuurta in ay shil galaan.
Dhismaha Shiinaha ka socda ayaa aad u kordhaya, waxaana dhacda in dadka leh guryahan ceynkan ah ay iska diidaan in ay baneeyaan, xitaa haddii guryo dabaqyo ah laga ag dhisanayo ama waddooyin la dulmarsiinayo.


Waxaa la sheegay in dadkii gurigan lahaa la siiyay guryo kale iyo waliba lacag magdhow ah oo aad u badan.
Sheekada gurigan ku saabsan ayaa noqotay mid Shiinaha iyo adduunkaba caan ka ah, iyada oo markii la dumiyay ay warbaahinta inteeda badal ka hadashay.