Guuto ka mida ciidamada gaarka ah ee lagu soo tababaray dalka Eritrea aya maanta lagu soo bandhigay Xerada Jen. Gordon ee magaalada Muqdisho, iyagoo loo diyaariyey dagaalka Alshabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Jen. Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kormeeray ciidamadan oo lpoo yaqaan ilaalo qaran Gaaska Duufaan, Guutada Gumac ee Xoogga dalka oo u diyaar garoobay inay Maalmaha soo socda ku biiraan Dagaalka Ciribtirka Khawaarijta Alshabaab.
Saraakiisha Ciidamadan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin difaaca dalka iyo dagaalka Alshabaab, ayna dhiiggooda u huri doonaan sidoo dalka looga xoreyn lahaa, iyadoo taliyuhu faray inay isku diyaariyaan howlgalka dagaalka Khawaarijta looga saarayo guud ahaan dalka.
Guutooyin ka mida ciidmada lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa loo geeyay degaano ka tiran Sh/Dhexe oo ay Alshabaab dagaallo culus kula galeen.