Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Hadal-heyn ka dhalatay gabadhii Somaliya uga qeyb gashay tartan Orod ah oo ka dhacay China

    Hadal-heyn ka dhalatay gabadhii Somaliya uga qeyb gashay tartan Orod ah oo ka dhacay China

    August 2, 2023Updated:August 2, 20233 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hadal-heyn badan ayey dhalisay gabar Soomaaliya uga qeyb gashay tartanka Jaamcadaha adduunka oo shalay ka dhacay dalka Shiinaha, waxayna noqotay arrin ay dadweyne iyo mas’uuliyiin badan ka doodeen.

    Baraha bulshada ee Soomaalidu ku xiriirto waxaa buux dhaafiyay eedeyn, maadsi iyo argtiyo ku saabsan gabadhan Soomaaliya ku metelaysay orodka gaaban oo u muuqatay mid aan u diyaarsaneyn tartan.

    Nasra Abuukar Cali ayaa dadku siyaabo farabadan uga falceliyeen iyadoo lagu eedeeyey xukuumadda Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay horseedeen guuldarrada Somaaliya.

    Nasra ayaa aad uga dambeysay gabdhihii kale ee la tartamayay, taasoo dadka qaar ay ku tilmaameen halheys si weyn loo wadaagay oo ah “in Soomaaliya ay daba ordeysay dunida”.

    Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya ayaa si degdega isla xalay uga falcelinayey xaaladda ka dhalatay arrintan ayaa sheegay inaysan Wasaaradiisa waxba kala socon, soona xulin gabadhaasi, isagoo iska fogeeyay eedaha loo jeediyay dowladda.

    Waxaana uu sheegay in lala xisaabtami doono ciddii hawshaas ku shaqada lahayd. “Waxa ay ka qaybgalaysay tartanka jaamacada ee dalka Shiinaha sida ay noo sheegeen qolyaha gabadha halkaas u diray. Gabadhu waxay ka socotay jaamacadaha dalka. Nidaamka ay ku timid ee ay halkaa ku tagtay iyo hannaanka lagu soo xulay iyo ciddii soo xushayba waa hawl aan baadhitaan ka samayn doono oo guddi u saari doonno,” ayuu yiri wasiir Maxamed Barre Maxamuud.

    Bishii July billowgeedii ayay ahayd markii warbaahinta ay ka soo muuqatay Nasra Abuukar oo sheegaysa in dalka China ay kaga qaybgeli doonto tartanka orodka.

    Nasra ayaan lahayn wax taariikh orodyahannimo ah oo ka horreysa midda hadda, balse guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, Khadiija Aadan Daahir ayaa hore u sheegtay in ay qaadatay layliyo adag oo ay isugu diyaarisay ka qayb galka orodkaas boqolka mitir.

    Dhanka kale ururka ay ka midaysan yihiin jaamacadaha Soomaaliya oo iska fogeeyay arrintan, iyagoo war ay soo saareen ku sheegay inaanu jirin orodyahan Soomaaliyeed oo ay u direen tartankaas.

    Nasra ayaa ahayd arday jaamacadeed oo dhigan jitey jaamacadadda Jobkey. Waxaana ay jirtey da’aadda 20, xilli sannadkii 2003-dii ku dhalatay magaalada Muqdisho, halkaasna ku soo qaadatay waxbarashada hoose dhexe.

    Qaybaha baraha bulshada kala duwan ayaa waxaa qabsaday muuqaal kooban oo ahaa markii ay Nasra ay ordaysay, kaas oo muujinaya sida ay uga danbeysey dhammaan tartamayaashii kale.

    Dadka badan ee fikradahooda ka dhiibtay arrintan ayaa ku kala duwanaa cidda eeda leh, waxaana mid ka mid ah dadkaas uu sheegay “In walaasheen ayaysan xoog ku fuulin diyaaradda balse ciddii u dirtay halkan, ciddaasina u baahan tahay in lala xisaabtamo”

    China gabadhii Somalia Nasra Abuukar Cali Orodyahan
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleNatiijada Imtixaanka Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banadir 2023 oo la shaaciyay (Akhriso)
    Next Article Wasiirka Cadaaladda oo Xabsiga Dhexe u tegay Eedeyn ka timid Taliyaha Asluubta

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo