Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Hadal kasoo yeeray C/weli Gaas oo Qarxiyey Dagaal ka socda Baraha bulshada [Mas’uuliyiinta K/Galbeed Vs Puntland]

    Hadal kasoo yeeray C/weli Gaas oo Qarxiyey Dagaal ka socda Baraha bulshada [Mas’uuliyiinta K/Galbeed Vs Puntland]

    September 21, 2018Updated:September 22, 20183 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa si weyn la isula dhexmarayay dood kulul oo ka dhalatay hadal uu jeediyay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Cali Gaas.

    Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo shalay oo Khamiis aheyd ka hadlayay magaalada Badhan ayaa waxa uu jeediyay hadalkaasi doodda badan uu ka dhashay. Waxa uu Cabdiweli Cali Gaas yiri “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.”

    Madaxweynaha Puntland oo u muuqanayay inuu ka hadlayay dagaalyahannada Shabaab ee ku jira buuraleyda Galgala ayaa inta uusan hadalkaas oran waxa uu yiri “Intaas oo ciidan ahna waa ay nala joogaan xoogaa Shabaab ahna waa naga haystaan Galgala caqli ma ahan.”

    “Waxaan rabnaa inaan ku dareerno dhammaanteen annagoo wadasoconna, been idiin sheegi mayee dumarka Badhan joogaa haddii ay berito ku dareeraan Galgala ayagaa Shabaab ku filan oo ka saaraya.” ayuu yiri Cabdiweli Cali Gaas.

    Xildhibaan Idiris Cabdi Axmed Takhtar oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya
    Xildhibaan Idiris Cabdi Axmed Takhtar oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya

    Hadalkaa hore ee Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Cali Gaas, ayaa waxaa si kulul uga jawaabay Xildhibaan Idiris Cabdi Axmed Takhtar oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya kana soo jeeda deegaannada Bay iyo Bakool ee hoos taga maamulka Koonfur Galbeed.

    Xildhibaan Idiris Takhtar oo fariin uu soo duubay soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa uu sheegay in arrintaas laga haboonaa isagoo yiri “Waxaan u sheegayaa in nin mas’uul ah uu hadalkaas ka soo yeero ma ahan, in deegaan gaar ah dad ka soo jeeda uu wax ka sheego ma ahan, oo haddana uu dhaho dadkaas oo dacas wato, hadalladaas kuma haboona inuu ku hadlo nin mas’uul ah marka waxaan rabaa inaan ninkaas u sheego waa khaladaadkii saddexaad, afraad ee uu galaayo waaye.”

    “Intii uu xilka Puntland hayay ninkaas waxa uu xiray dad aan waxba galabsan oo ganacsato ah oo uu ku shaabadeeyo inay Shabaab yihiin, oo khaladaad badan uu dadkaas ka soo galay, aniga hadda waxaanba u malaynayaa inuu xalaalaysan rabo hantidooda. Dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed waa dadka ganacsiga ugu badan ku leh deegaankaas Puntland.” ayuu yiri Idiris Takhtar

    Waxa uu Xildhibaan Idiris intaasi ku daray “Ma haboonayn in ninkaas oo mas’uul ah oo hadda ka horna ra’iisul wasaare soo noqday inuu marwalbaba afkiisa uu ku aflagaadeeyo qowmiyad dhan oo jirta.”

    Intaas kuma uusan hakan Xildhibaan Idiris Takhtar ee waxa uu Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ka dalbaday inuu raali gelin ka bixiyo “hadalada qadafka ee ka soo yeeray, waayo waa markii saddexaad ee uu ku dhawaaqo hadal cunsiriyad iyo inuu baneeysto hantida dadka ladeggan ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed.” ayuu ku qoray bartiisa Facebook-ga.

    Doodda iyo erayada kulul ee la is dhaafsanayo intaa kuma aanay ekaan ee waxaa ka qeyb galay dad badan oo magac leh, oo uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xildhibaan Aaden Isaaq, oo bartiisa Facebook-ga soo dhigay:

    Xildhibaan Aadan Isaaq, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ee Soomaalilya
    Xildhibaan Aadan Isaaq, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ee Soomaalilya

    Waxaa arrintaas dhankiisa durbadiiba si kulal uga jawaabay wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Puntland, Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil, oo isna bartiisa Facebook-ga soo dhigay:

    Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ee Puntland
    Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ee Puntland

    Dhanka kale isla baraha bulshada ay ku wada xiriirto waxaa ka bilowday dadaalo lagu qaboojinayo xiisadda ka dhalatay hadalka Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ee sababay in hadallada kulkul ay hawada isu mariyaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta deegaannada Puntland iyo Koonfur Galbeed.

    MUUQAALKA DAGAALKA KICIYEY HOOS KA DAAWO

     

    C/weli Gaas Dagaal Baraha bulshada K/Galbeed Puntland
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Danab & kuwa Mareykanka oo duleedka Kismaayo ku dilay in ka badan 10 Alshabaab ah [Sawirro]
    Next Article Madaxweyne Farmaajo oo shir degdeg isugu yeeray Madaxda maamulka Galmudug [War-saxaafadeed]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo