Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Haddii Jawaari guuleysto, Maxay ka bedeli kartaa tartanka Madaxweynanimo?

    Haddii Jawaari guuleysto, Maxay ka bedeli kartaa tartanka Madaxweynanimo?

    January 5, 20175 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaan jeclaystay inaan tacliiq yar ka bixiyo natiijada gudoomiyaha baarlamaanku suurtagalnimada saamaynta ay ku yeelan karto tartanka madaxweynanimada Soomaaliya,

    anagoo soo qaadanayna tijabooyin soo dhacay, isida uu shakhsiyan wax ka badali karo hanaanka doorashada madaxweynanimda iyo in hadiiba ay jirto cid isaga wadata oo dhaqaale ku bixinaysa, ma u sahli karaa hanashada kurisiga dalka ugu sareeya?

    Waxaa maalmahaan fooda nagu soo haya dhici doonta doorashada gudoomoyaha Baarlamanka Soomaaliya oo in mudo ah la sugayey, waxaana jiray shaki badan oo ku xeeran cida u tartamaysa kadib markii Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan uu go’aansaday in kursigaan loo qoondeeyey siyaasiiyinta Koonfur Galbaaed la gaaray waqtigii uu beel kale u caleema saari lahaa.

    Madaxweyne Shariif Xasan ayaa xiligii doorashada xildhibaanada lagu guda jiray shuruud uga dhigay xildhibaanada tartamayey in aan laysu sharixin kursiga gudoomiyaha baarlamanka, taa badalkeedana lagu taageero isaga Musharaxnimadiisa Madaxweyne. Waxaana xusid mudan in dhamaan xildhibaanada Koonfur Galbeed ay ku waafaqeen arinkaas, balse xaalku wuxuu is badalay markii la dhaariyey xildhibaanada oo uu Xil. Idiris Dhakhtar daqiiqado kadib uga dhawaaqay musharaxnimadiisa goobta ay xaflad dhartu ka socotay.

    Waxaa intaa dheer in ay jiraan kulamo ka kala dhacay Baydhabo iyo Muqdisho oo ay ka soo qayb galeen xildhibaanda iyo siyaasiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya intooda aan ku qanacsanayn fikirka Shariif ee ah in cid kale lagu taageero kursiga gudoonka baarlamaanka, waxayna siyaasiintaas soo hordhigeen madaxweyne Shariif Xasan inuu u cadeeyo sadex arimood si ay qayb uga noqdaan ololihiisa madaxweyne. Waxaana ka mid ahaa:

    • Inuu haysto dhaqaale ku filan, madaama ay u baahan tahay madaxweynanimo laysu sharaxo dhaqaalo faro badan
    • In ay jiraan wadamo siyaasada Soomaaliya xiiseeya oo gadaal ka riixaya ololihiisa doorasho.
    • Inuu soo bandhigo qorshe cad oo lagula dagaal gali karo, sida: isbahaysiyo dhanka qabiilada Soomaaliyeed Xildhibaanadooda iyo Maamul goboleedyada.

    Gudoomiye Maxamed Sh. Osman Jawaari oo ka mid ahaa xildhibaanadii dib loo soo doortay ahaana gudoomiyaha baarlamaanka wakhtigiisu dhamaaday ayaa dheg jalaq u siin dalabka Madaxweyne Sharif Xasan, taa badalkeedana  isu sharaxay xilka Gudoomiyaha Baarlamanka.  Waxaa sidoo kale jira xildhibaano ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo shaaciyey in ay u taagan yihiin qabashada xilkaas, waxaa ka mid ah Xildhiban Xuseen Osmaan Xuseen iyo Xill. Maxamed Mursal oo laga yaabo inuu maanta gudbiyo araajidiisa musharaxnimo.

    Gudoomiye Jawaari ayaa dadka siyaasada galaangalka u leh saadalinayaan inuu ku guulaysnayo xilka gudoomiyaha baarlamaanka, waana musharaxa ugu cad cad ilaa iyo hada, taas oo ay sabab u tahay arrimahaan hoos ku xusan:

    • Waayo aragnimadiisa shaqo iyo sida wanaagsan oo u maareeyey maamulka baarlamaanka mudadii afarta sano ahayd, waxaa xusid mudan in maanta kulankii kowaad ee baarlamaanku yeesheen laga heli karo qoraalka doodihii dhacay Augst, 24, 2012 kaydka gudoonka baarlamaanka, taas oo aad uga duwan habka ay u shaqeeyan xafiisyada kale oo dowladda.
    • Xildhibaanada cusub oo aad ugu riyaaqay maamulka fiicn ee ay kala kulmeen xafiisyada gudoomiyaha Baarlamaanka, xiligii ay qaadanayeen shahaadoyinka aqoonsiga, ID card, Nuqulada Dastuurka, Habraac dhaarta iyo doorashada iyo sidii quruxda badnayd ee loo soo agaasimahay xafladii dhaarta.
    • Waxaa kale oo Jawaari can ku noqday odaynimo iyo isu jiid jiid xal raadin ah oo uu markasta isku dayi jiray marka ay soo ifbaxaan khilaaf siyaasadeed, in kasta oo mar marka qaar looga itaal roonaanayey jihaynta iyo xal ka gaarida qaabka uu urabo in khilaafka loo xaliyo.
    • Cid ka fursad badan oo aan jirin maanta marka loo eego musharixiinta ilaa iyo hada tartanka kula jirta.
    • Shaqada hortaal Baarlamanka oo ay uga dagsan tahay qorshayaal cad cad dhamaystirkooda madaama uu yaqaan waxa soo qabsoomay iyo wax dhiman.
    • Dhex Dhexaadnimo marka loo fiiriyo la macaamilka xildhibaanada iyo talo dhagaysi marka wax la xalinayo,  iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo aan u arkin shakhsi xisbi ama urur gooni ah ka tirsan.

    Dhamaan fursadahaan waxay ka turjumayaan inuu si fudud ugu guulaysto xilka gudoonka baarlamaanka, taasna macanaheedu maahan in lagu cabiri karo guusha tartanka madaxweynanimada 2017, waxaa arinkaas daliil u ah sidaan oo kale 2012-kii markii la soo sharaxay Cali Khaliif iyo Xidig waxaa Jawaari u ololeynayey Cabdiwali Gaas iyo Sheikh Shariif oo labaduba ku qanacsanaa in kursigaan dusha u saaran siyaasi ka soo jeeda Koonfur Galbeed, waxayna ku bixiyeen kharash badan ololihiisa doorasho, waxaana si fudud uga guulaystay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud oo aan kaalin mug leh ka qaadan musharaxnimada Jawaari xiligaas. Sidoo kale shirkii Embakathi ee lagu soo dhisay dowladii Cabdullahi Yusuf AUN uu Madaxweynaha ka ahaa ayaa waxaa dhacday inuu dadaal u galay sidii Xil. Sheikh Aden Madoobe uu ka dhigo Gudoomiyaha Baarlamaanka, balse Shariif Xasan oo ay siyaasad ahaan isaga soo horjeedeen ayaa si fudud uga guulaystay, mana jirin saamayn ay ku yeelatay doorashii dhacday 04, Oct, 2004.

    Haddaba akhristow waxaan maqaalkaan uga gol leeyahay inaan dadka u bidhaamiyo in gudoomiyaha baarlamaanka qofka noqonaya Madaxweynaha uusan jaangoyn karin, waxaa intaas dheer in dhamaan musharixiinta ugu cad cad xilka madaxweynanimada Soomaaliya iyo madaxda maamula goboleedyada ay kala dhaxayso Xil. Maxamed Sheikh Osman Jawaari xiriir saxibtinimo iyo wada shaqayn ku dheehan tahay.

    Wabilaahi Towfiiq

     Diraac Salaad Fagaase

     La taliye sare oo ka tirsan Wasaarada Maaliyadda, horayna u ahaa Agaasimihii Warfaafinta Afartii Ra’iisul Wasaare ee ugu danabysay.

    Doorashada 2016 Jawaari Xilka madaxweynaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaamulka Jubba oo ka baxay Qorshaha Horumarinta Qaran ee Dowladda Federaalka [Akhri sababta]
    Next Article KASHIFAAD: Aaway Lacagtii Doorashada ee Imaaraadkaa laga keenay…? [Hal Madaxweyne oo dhacdhac laga helay?]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo