Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Hala Daawado Riwaayadda Farmajo iyo Jen. Biixi Allifeen oo ay rabaan in Jeneral Xuud Matalo (Qormo)

    Hala Daawado Riwaayadda Farmajo iyo Jen. Biixi Allifeen oo ay rabaan in Jeneral Xuud Matalo (Qormo)

    January 20, 2022Updated:January 20, 20224 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shanta Ujeedo ee Farmaajo iyo Fahad ugu Gacan haatiyeen Jeneraal Xuud

    W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow

    Dad badan ayaa aad ula yaabay, uga carooday, madax xanuun ka qaaday Riwaayada “gacma is qabsiga korka loo taagay” ee dhexmaray Jeneral Abukar Xaaji Warsame, loo yaqaan Jeneral “Xuud,” Hoggaamiyaha Jabhadda Xoreynta Hiiraan (JXH) iyo Ergo Saraakiil Militeri ah, uu hoggaaminayo Jeneral Maxamed Tahlil Biixi, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliya ee ka socota Maxamed Cabdullahi Farmajo, Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, haseyeeshe inkiray.

    Sababta JXH ka dhalatay waxay tahay in Magaalo Madaxda DG Hirshabelle Jowhar iyo Jagada Madaxweynaha isla qaadeen Beesha Mudullood, taaso khilaafsan awood qaybsiga lagu dhisay DG Hirshabelle oo ahaa in Jagada Madaxweynaha u tartanto Beesha Xawaadle. Sidaa darted, JXH waxay ka soo horjeesatay Maamulka DG Hirshabelle ay Madaxda ka yihiin Madaxweyne Cali Cabdullahi Xussein “Cali Guudlaawe,” iyo Madaxweyne Ku Xigeen Yusuf Ahmed Hagar, “Dabageed.”

    Fidnada waxaa abuuray Farmajo iyo Fahad Yaasin oo qorsheeyay in DG Hirshabelle Madaxweyne uga dhigaan shakhsi daba dhilif u ah ee taagersan Xukun Boobkooka. Jeneral Xuud waxaa loo diiday inuu ka qayb galo tartanka doorashada Madaxweynaha asagoo aaminsanaa in reerkiisa u leeyahay qoondo, kaddibna wuxuu abaabulay JXH oo diiday in Madaxweyne Cali Guudlaawe tago, lagu caleemo saaro Beletweyne.

    Farmajo iyo Fahad waa ku faraxsanaayeen in Madaxweyne Cali Guudlaawe loo diido Beletweyne, waxayna ku talagaleen in khilaafka Hirshabelle ku kallifo Cali Guudlaawe iyo Yusuf Dabageed inay daba dhilif u ahaadaan Farmajo iyo Fahad iyo in khilaafka Hirshabelle caqabad ku noqdo qabashada doorashada federaalka ama sahlo boobka kuraasta loo asteeyay DG Hirshabelle, hadba middii suuragal noqota.

    Farmajo iyo Fahad waxay ku dadaaleen inay fashiliyaan iskuday kasta ee lagu xallinayo cabashada reer Hiiraan ay ula kaca u abureen. Siyaasiyiinta Mudullood oo ka carayaya in shakhsi aad u xun ee Mudullood u dhashay laga dhigo Madaxweynaha Hirshabelle, isla markaana ka cabbir qaatay hagardaamada Farmajo iyo Fahad wadaan, waxay taageeren Cali Guudlaawe, taaso aysan ku khasaarin ilaa hadda beel ahaan, haseyeeshe dhishay Karaamada iyo walaaltinnimada Shacabka Hirshabelle iyo taabbagalka dowladnimada Soomaaliya.

    RW Maxamed Xussein Roble, Wasirka Arrimaha Gudaha Jeneral Mukhtar Xussein Afrax oo ka soo jeeda Hiiran, Madaxweyne Cali Gudlaawe, Madaxweyne ku Xigeen Dabageed iyo Waxgaradka Beesha Hawiye oo DG Hirshabelle deggan, waxay ku guuldareysteen inay si ka madaxbannaan Farmajo iyo Fahad uga taliyaan dhibaatada Hirshabelle.

    Farmajo iyo Fahad waxay ku guuleysteen inaysan socon talo macquul ah ee lagu daaweynayo khilaafka DG Hirshabelle, taaso Jeneral Xuud ku qancisay in Madaxda Hawiye aysan haysan, heli karin fursad iyo awood iyo xeelad ay ku xalliyaan khilaafka Hirshabelle. Isla markaa, waqtiga la joogo ma muuqdo hab Farmajo iyo Fahad iyo Jeneral Biixi ku xallin karaan khilaafka gaamuray ee ay abuureen, laguna xaqiijin karo ujeedada bartilmaameedka u ah JXH iyo Jeneral Xuud.

    Sidaa darted, waxaa muhiim ah in si miyir leh loo daawado riwaayada Farmajo iyo Jeneral Biixi allifeen oo ay rabaan in Jeneral Xuud matalo, lana horboodin ilaa laga gaarayo gunaanadka riwaayda.

    Fashilka Farmajo iyo Fahad ku dhacay kaddib markay la dagaalameen RW Roble wuxuu ku kallifay inay maciin bidaan Jeneral Biixi oo xiriir la sameeyeen Jeneral Xuud oo gacan haatis suga ahaa.

    Hadalka Jeneral Xuud siiyay warbaahinta waxaa ka muuqda in loo sheegay sheekooyin damac iyo dareen sare geliyay ama inuusan qiimeyn qoto dheer ku sameyn halgankiisa. Ujeedooyinka Farmajo iyo Fahad iyo Jeneral Biixi ugu gacan haatiyeen Jeneral Xuud waxay noqon karaan:

    1. Karaamo ka qaaidda RW Roble, Wasiir Mukhtar, Cali Guudlaawe, iyo Yusuf Dabageed.

    2. Ka faa’ideysigiisa si loo abuuro tuhun iyo khilaaf cusub oo carqaladeeya doorashada iyo sumcadda bulshada deegaanka Hirshabelle, gaar ahaan beelaha Mudullood iyo Xawaadle.

    3. Ku qancinta Beesha Caalamka in Farmajo saameyn ballaaran ku leeyahay DG Hirshabelle.

    4. Ku tumashada dastuurka iyo go’aanka Golaha Wadatashiga Qaranka oo faraya in Ciidammada Qalabka Sida aysan ka qayb gelin arrimo dowladeed ee ka baxsan xilkooda, sida ka qaybgalk siyaasadda.

    5. Abuuritaanka ficilo iyo xamaasado qabiil madaama Farmajo u diray Hiiraan Jeneral Biixi oo ay isku jufo yihiin, isla markaana ah Taliyaha Ciidammada Lugta.

    Waxaa aheyd dambi in Jeneral Biixi oo isticmaalaya hantida iyo waqtiga dadweynaha Soomaaliyeed lacagata ku siiyo ka sheegay BBC inuu iskiisa isu soo diray Beletweyne si uu u xalliyo arrinta JXH. Shacabka Soomaliyeed wuxuu hadalkaas u qaatay meel ka dhac weyn.

    Dib u heshiisiinta shacabka soomaaliyeed waxaa mas’uul ka ah Wasiiirka Arrimaha Gudaha Jeneral Mukhtar. Jeneral Biixi wuxuu Jenaal Xuud u geeyay Farmajo, taaso caddeyneysa beenta iyo meel ka dhaca Jeneral Biixi.

    Khilaafka Hirshabelle waxaa abuuray, isla markaana hortaagna xallintiisa Farmajo iyo Fahad. Waxay u badan tahay in Farmajo rabo in Hiiraan ka abuuro sheeka xariirtii uu ka abuuray Gobolka Benadir oo Farmajo yiri hala siiyo 13 kursi oo Aqalka Sare.

    Waxaan qiyaasaya in Jeneral Abukar Xuud ka dheregsan yahay hagardaamada iyo daneysiga Farmajo macallimka ku yahay. Cagta ha loo dhigo gebidhacleynta iyo xishood la’aanta Farmajo oo xarga goosatay.

    W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow

    Jen. Biixi Jen. Xuud Maxamuud Culusow Qormo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladda Turkiga oo Ciidamo kumanaan ah u diraysa dalka Qatar iyo Sababta oo la shaaciyey
    Next Article Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo Doortay Guddoomiye cusub (Waa kuma..?)

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo