Halis kale ayaa soo food saartay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kadib markii kacdoon lagu dalbanayo inuu maamul gaara noqdo uu ka dilaacay Gobolka Sidama ee Koonfurta Itoobiya.
Kacdoonkan waxaa hoggaaminaya dhalinyarrada Gobolkaasi iyo bulshada rayidka ah oo ah gadaal ka riixayan siyaasiyiin mucaarad ah oo ka soo jeeda Gobolka Sidama oo bilaabay ololhe ay ku doonayaan inay noqdaan maamul u gaar ah oo toos u hoos taga dowladda Federaalka Itoobiya.
Arrintan ayaa dhalisay cabsi cusub oo ku saabsan shaqaaqo ka dhacda Gobolka Sidama oo bannaanbaxyo waaweyn ay hareeyeen, iyadoo laga cabsi qabo dadka ololaha wada inay ku dhawaaqaan maamul cusub oo ka madax bannaan ismaamulka ay hoos tagaan ee Southern Regional State.
Kooxda ololahan wada ayaa la sheegay inay si rasmi ugu dhawaaqi doonaan Arbacada go’aankooda ay uga go’ayaan Is-maamulka dowlad Goboleedka Koonfureed.
Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in haddii arrintani ay sii socoto tallaabo militari qaadi doonaan, wuxuuna ku hanjabay inuusan ogolaan doonin qorshaha ay wadaan dadka Sidama, arrintan oo loo arko halista ugu weyn ee xiligan heysata Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed hoggaankiisa.