Wasiirkii hore ee Amniga dowladda Federaalka, La-taliyaha arrimaha siyaasadda ee madaxweynaha xilligan iyo musharaxa madaxweynaha maamulka Gobollada Dhexe ee Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed wuxuu dhowaan si hordhac ah u shaaciyay inuu u taagan yahay xilka hogaamiyaha maamulka lagu wado in loo dhiso Gobollada dhexe ee shirkiisu ka socdo degmada Cadaado; waxaana jira aragtiyo kala duwan oo laga qabo shaqsigan.
Dadka ku kacsan madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa dadka qaarkii ugu yeeraan Damjadiid waa dhab inay si weyn uga horjeedaan oo wax kasta u sameynayaan sidii ay shaarka Ina Guuleed u wasaqeyn lahaayeen, waxaa kaloo si weyn ugu kacsan kooxo kala duwan oo saxafiyiin iyo saaxiibo hore ay ku jiraan oo intaas daba jooga iyadoo markii ugu horeysay suuqa la soo dhigay Gaari aanay xabbaddu karin oo musharuxu la tegay Cadaado; waxaase muuqata inuu adeegsanayo dhaqaale taasoo durba laga arkay bogga Aminarts.com.
[ad name=”HTML-1″]
AKHRISO QORMOOYINKAN:
-
Musharax C/kariin Guuleed: Miine-baaraha siyaasadeed ee kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh (FAALLO GJ)
-
C/kariin Guuleed: Maxaad ka taqaan La-Madaxweynayaasha ku xeeran madaxweynaha?
- YAA ISKU HEYSTA MAAMULKA GOBOLLADA DHEXE..? (AKHRISO WARBIXIN XASAASI AH)
Guusha C/kariin oo dad badani aysan saadaalineynin, balse ku doodayaan in dhaqaaluhu kaga dhammaan doono, kadibna laga guuleysan doono ayaan qormadan kooban waxaan saadaal uga bixineynaa haddiiba ay dhacdo in C/kariin Guuleed xilkaasi ku guuleysto halista uu ku keeni karo dadka Gobollada Dhexe.
Guusha C/kariin Guuleed waxay keeni doontaa:
- In Itoobiya ka hor timaado
Haddii Itoobiya oo xilligan faraha kula jirto ka hor timaado maamul uu hogaaminayo shaqsi aan saaxiibadeed ka mid ahayn sida maamulada kale, waxaa dhibaato noqon doonta ammaan ahaan sidii degaanadaasi Shabaab looga xoreyn lahaa, waxaana maamul uu madaxweyne ka yahay C/kariin Guuleed sababsan doonaa kooxaha ku xiran Itoobiya sida Ahlu-sunna.
- In aqoonsigu ciriiri ka galo
Maamulka Gobollada dhexe ee uu hogaamiyo C/kariin, haba aqoonsato dowladda Federaalka ee saaxiibkii Xasan Sheekh, wuxuu caqabad weyn kala kulmi doonaa Puntland oo haddaba ka biyo diidan, uma muuqdo C/kariim mid galaangal u yeelan kara inuu xarkahaas furfuro, waxaa kaloo Puntland ku taageeri kara K/Galbeed iyo Jubba oo hadday u heshiiyaan iyagoo ku xumeynaya shaqsiyadda C/kariin ay ka dhalan karto in la go’doomiyo, maadaama aanu hogaankani taageero ka heysan awood goboleed iyo gudaha toona.
- Xasarad Dastuuri ah
Waxa markii horeba jiray dood dastuuri ah oo ku saabsan sida Gobol iyo bar ay ku noqon karaan maamul goboleed, taasoo dib loogu dhigay in maamulku KMG yahay, laakiin qaabkii khilaafka dastuuriga ah looga gudbi lahaa, iyo dadaalkeeda ma cadda sida uu C/kariin ku keeni karo.
Arrimahan oo dhammaantood ah xaalado dibadeed oo ka hor imaanaya musharaxan haddii uu xilkaasi qabto waxay dadka gobollada dhexe dib ugu celinayaan dhibaato hor leh dib u dhac ku keeni karta hamigoodii ahaa inay maamul sameystaan iyaguna is xukumaan, waxaanan meesha ka marneyn dhibaatooyinka arrimaha gudaha oo shaki weyn laga muujinayo inuu C/kariin Guuleed wax ka qaban karo, siiba isku-heynta beelaha kala duwan ee maamulkan ku midoobaya.
Sidaas darteed waxaa la oran karaa marna C/kariin Xuseen Guuleed maaha qofkii ku haboonaa ee xilligan hogaamin lahaa maamulka Gobollada Dhexe, kana gudbin lahaa caqabadaha horyaala, waxaana fiicnaan lahayd isagoo xeerinaya xaalada degaanadaasi ku xeeran inuu ka tanaasulo oo is sharxo marka maamulka rasmiga ah la gaaro ee kumeelgaarka laga baxo Insha Allaah.
Faallo Wadani.com
[ad name=”HTML-6″]
[ad name=”HTML”]