Tuesday, May 13, 2025

Halista ku wareegsan maamulka cusub ee Galmudug & Madaxweyne C/kariin Guuleed (FAALLO)

Wasiirkii hore ee Amniga dowladda Federaalka, La-taliyihii arrimaha siyaasadda madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku guuleystay  jagada madaxweynaha maamulka Gobollada Dhexe ee Soomaaliya ee Galmudug.  C/kariin Xuseen Guuleed wuxuu ahaa musharax u taagan yahay xilka hogaamiyaha maamulka Gobollada dhexe  intaanayba shirarkiisu ka abaaulmin Dhuusmareeb iyo Cadaado.

Guuleed
C/kariin Xuseen Guuleed

Dadka ku kacsan madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa dadka qaarkii ugu yeeraan Damjadiid waa dhab inay si weyn uga horjeedaan oo wax kasta u sameynayaan sidii ay shaarka Ina Guuleed u wasaqeyn lahaayeen, waxaa kaloo si weyn ugu kacsan kooxo kala duwan oo saxafiyiin iyo saaxiibo hore ay ku jiraan oo intaas daba joogay iyadoo dacayaadaha, aflagaadada iyo cambaareynta ku dhaceysa shaqsiysani ay tahay mid aan hore loo arag..

[ad name=”HTML-1″]

Ad

AKHRISO QORMOOYINKAN:

  1. Musharax C/kariin Guuleed: Miine-baaraha siyaasadeed ee kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh (FAALLO GJ)
  2. C/kariin Guuleed: Maxaad ka taqaan La-Madaxweynayaasha ku xeeran madaxweynaha?
  3. YAA ISKU HEYSTA MAAMULKA GOBOLLADA DHEXE..? (AKHRISO WARBIXIN XASAASI AH)
  4. Maxaad ka taqaan madaxweynaha cusub ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed?

Guusha C/kariin oo dad badani mucaaradeen, balse  ku doodayaan in dhaqaale uu keenay ayaan  qormadan kooban waxaan saadaal uga bixineynaa halista hortaalla C/kariin Guuleed iyo dowlad goboleedka uu hogaankeeda qabtay ee Gobollada Dhexe.

Guusha C/kariin Guuleed waxaan ku farxi doonin:

- Advertisement -
  • Itoobiya

Haddii Itoobiya oo xilligan faraha kula jirto ka hor timaado maamulka uu hogaaminayo shaqsi aan saaxiibadeed ka mid ahayn sida maamulada kale, waxaa dhibaato noqon doonta ammaan ahaan sidii degaanadaasi Shabaab looga xoreyn lahaa, waxaana maamul uu madaxweyne ka yahay C/kariin Guuleed sababsan doonaa kooxaha ku xiran Itoobiya sida Ahlu-sunna oo haddaba ah dhibaatada gudaha ee ugu weyn oo ka hor imaan doonta Guuleed.

  • Puntland

Maamulka Gobollada dhexe ee uu hogaamiyo C/kariin, haba aqoonsato dowladda Federaalka ee saaxiibkii Xasan Sheekh, wuxuu caqabad weyn kala kulmi doonaa Puntland oo dagaal u caddeysatay, sheegtayna inaysan aqoonsan doonin maamulkani, inkstoo ay faduul iska tahay oo maamul goboleed aanu aqoonsi uga baahneyn maamul kale.  C/kariin ma aha qofkii ay Puntland isu dhowaan lahaayeen hadiiba heshiis dhici karo, waxayna kasoo dhoweyn lahad shaqsi aan u dhoweyn ama caddow ku ah Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha cusub ee Galmuudg uma muuqdo mid galaangal u yeelan kara inuu qaska Puntland ka badbaadiyo maamulkiisa curdinka ah. Waxaa kaloo Puntland ku taageeri kara go’aankeeda Maamulka Jubba heyb ahaan ay hadda isbaheystaan oo hadday u heshiiyaan iyagoo ciriiri gelinaya dowlada Federaalka ay ka dhalan karto in la go’doomiyo maamulka C/kariin madaxweynaha ka yahay, lagase yaabee inay tani dalka u qeybiyo isbaheysi goboleed oo qabiil ku dhisan.

Tani waxaa marqaati ka ah tegistii guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ee Shirkii Cadaado iyo khilaafka u dhaxeeya Jubba iyo K/Galbeed oo oo muujinaya ifafaale laba isbaheysi  maadaama aanu hogaankani taageero ka heysan awood goboleed iyo gudaha toona.

- Advertisement -
  • Ahlu sunna

Kooxda Ahlu suna ee Dhuusamareen madaxweynaha ku magacawday waa xaalad kale oo C/kariin ka hor imaaneysa, wuxuuna horumar uu gaaro maamulkaasi ku xirnaan  doonaa sidii uu kooxda Macalin Maxamuud ee u ooman hogaanka ula heshiiyo, awoodda ciidan ee ay hayaana ugu soo daro maamulkiisa. Kooxdan inkastoo damaceeda iyo hankeeda siyaasadeed sii weynaaday haddana waxay hubtaa inaysan meelna gaari karin. Waxaana la oran karaa tijaabada ugu horeysa ee madaxweyne C/kariin waxay noqon doontaa sida uu ugu guuleysto ama ugu fashilmo inuu kooxdan xal u helo.

  • Xasarad Dastuuri ah

Waxa markii horeba jiray dood dastuuri ah oo ku saabsan sida Gobol iyo bar ay ku noqon karaan maamul goboleed, taasoo dib loogu dhigay in maamulku KMG yahay, laakiin qaabkii khilaafka dastuuriga ah looga gudbi lahaa, iyo dadaalkeeda fari kama qodna, waxayna noqon doontaa caqabad kale oo maamulada kale hoos ugu eegaan midka Gobolada dhexe ama kuwa diidan u noqota qodob ay ku colaadiyaan xitaa haddii aanay dhinaca kale ogoley dastuurka ay ku sharci darro xukuminayaan Galmudugta cusub.

Arrimahan  oo dhammaantood ah caqabado iyo xaalado adag oo wajahaya madaxweynaha maamulka cusub ee GALMUDUG  waxay dadka gobollada dhexe dib ugu celin karaan dhibaato hor leh dib u dhac ku keeni karta hamigoodii ahaa inay maamul sameystaan iyaguna is xukumaan  haddii aan la helin caqli iyo xikmada looga gudbo oo shaki weyn laga muujinayo inuu C/kariin Guuleed yeelan karo, waxayse ku xiran tahay sida uu siyaasiyiinta degaanka ee ay tartameen iyo kuwa kale ee waxgalka ah u kaashado.

Sidaas darteed waxaa laga shakin karaa inuusan C/kariin Xuseen Guuleed ahayn qofkii ku haboonaa ee xilligan hogaamin lahaa maamulka Gobollada Dhexe, kana gudbin lahaa caqabadaha horyaala, mar haddiise dagaalkii siyaasadeed sidan ku dhamaaday waxaa la gudboon dadka gobolada dhexe inay khilaafaadka meel iska dhigaan oo degaanadooda dhistaan intii ay ku mashquuli lahaayeen faro isku taag iyo mucaaradnimo inay wax bi’iso maahee aan xalna ka qeyb ahayn.

Faallo Goobjooge.com

[ad name=”HTML-6″]

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON