Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Halkee ka timid lacagta lagu maalgeliyay musharaxa C/kariin Xuseen Guuleed? (XOG CULUS)

    Halkee ka timid lacagta lagu maalgeliyay musharaxa C/kariin Xuseen Guuleed? (XOG CULUS)

    May 1, 2015Updated:June 11, 20152 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hanti ka timid dhul dan guud ah oo la iibiyay ayaa lagu maalgelinayaa musharaxnimada mid ka mida shaqsiyaadka u tartamaya hogaanka Gobolada Dhexe

    Shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo haatan loo fadhiyo degmada Cadaado ee Gobolka Mudug waxaa hareeyay musharxnimada C/kariin Xuseen Guuleed oo ka mida musharixiinta shiday xarunta shirka isla markaana dad badan gaaray ololihiisa musharaxnimo ee hogaanka maamulka loo dhisayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

    Meel kasta waxaad ku arkeysaa sawirada musharaxan, saxaafadda, odayaasha dhaqanka iyo xitaa guddiga farsamada ee muranku ka taagan yahay waxaa saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa musharax C/kariin Guuleed, waxayna weliba la hadal hayaa in ergada wax dooraneysa haddiiba lagu heshiiyo loo qoondeeyay qiime aysan diidi karin oo codkooda lagu iibsanayo.

    Haddaba waxaa is weydiin leh halkee ayay ka timid lacagta intaas la eg ee musharaxani ku soo jiitay dhinacyadaas oo dhan??. Wadani.com oo baaritaan arrintan ku sameysay waxaa ka soo baxay sida soo socota:

    ckarin-hormud

    [ad name=”HTML-1″]

    Waxaa dhowaan Gobolka Banaadir oo amar ka heysta madaxtooyada uu ku dhaqaaqay tallaabo uu dantii guud uga saaray dhulka loo yaqaan sarkuusta ee agagaarka Asluubta, dhulkaas oo ay lahayd Wasaaradda Gaadiidka waxaa wasiirkii hore ee Gaadiidka Saciid Jaamac Qoorsheel u qoray qoraal ku saabsan in dhulkaasi ay ka maarantay wasaaradda Gaadiidka, taasoo ahayd qorshe Gobolka Banaadir iyo Madaxtooyada ka danbeeyeen.

    Kadib markii dhulkaasi laga saaray dantii guud ayuu dhowaan gobolka Banaadir ku dhaqaaqay inuu dhulkaasi siiyo dad kala duwan oo siyaasiyiin iyo dadweyne laga burburiyay degaano ay hore uga deganaayeen Muqdisho. Dhulkan oo la cabiray kadibna la asteeyay waxaa dadka boosaska laga siiyay ka mida C/KARIIN XUSEEN GUULEED oo 100 boos oo ka mida dhulkaasi gacanta ku dhigay kadibna la sheegay inuu boos waliba ku iibsaday lacag gaareysa 15,000 doolar, taasoo micnaheedu yahay inuu halkaasi ka helay lacag gaareysa Hal Milyan iyo Bar Doolar oo ka mida hantida uu musharaxan heysto ee uu ku wado ololihiisa musharaxnimada Gobollada Dhexe. Wararka qaarkood ayaa sheegaya in dhulkaas ay gebi ahaantiisa iibsatay Shirkadda Hormuud.

    Waxaa kaloo jira lacago kale oo qaarkeed laga helay Turkiga iyo kuwo dowladda Dhexe ugu qoondeysay, isagoo ka mida saaxiibada madaxweynaha iyo kooxda Damjadiid. Lacagta guud ahaan musharaxnimada C/kariin Guuleed loogu talogalay ayaa la sheegay inay ka badan tahay 4 Milyan oo Doolar.

    Wadani.com

     

    [ad name=”HTML”]

     

    [ad name=”HTML-6″]

     

    C/kariin Guuleed Gobolada Dhexe Hanti qaran
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGabar Somali ah oo Ku biirtay Booliska Gobolka Minnessota (Sawirro)
    Next Article Shirkii Cadaado oo cakiran iyo saxiixayaasha oo Muqdisho looga yeeray

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo