Iyadoo xaaladda dalka Suudaan ay kacsan tahay, isla markaana ay talada la wareegeen ciidamada dalkaasi ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan halka uu ku sugan yahay madaxweynihii dalkaasi Jen. Cumar Xasan Albashiir.
Ciidamada ayaa la dhigay wadooyinka iyo xarumaha waaweyn ee dowladda oo ay ku jiraaan Idaacadda iyo TV-dga dowladda, waxaana Telefishanka dowladda uu sheegay in Bayaan muhiim ah ay ciidamada dalkaasi shaacin doonaan goor dhow.
Ciidamada ayaa xirxiray mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha xisbiga talada haya Axmed Haaruun, Madaxweyne ku xigeenkii hore Cali Cismaan Maxmaed Daha, wasiirkii hore ee gaashaandhigga C/raxiim Maxamed Xuseen iyo xubno kale.
Madaxweyne Albashiir ayaa ku jira gurigiisa magaalada Khartoum iyadoo ciidamada ay xabsi guri geliyeen, waxayna warar kale sheegayaan inuu ku sugan Xarunta Guriga martida ee magaalada Khartoum.
Waxaa la wada sugayaa Warka ay soo saari doonaan ciidamada milateriga dalka Suudaan, iyo fasirka ay bixiyaan waxa ka dhacay dalkaasi inuu inqilaab yahay iyo inkale, waxaana warar kala duwan ay sheegayaan in ciidamada ay ku dhawaaqi doonaan inuu is casilay madaxweyne Cumar Albashiir.
Kumanaan dadweyne ah ayaa ku qulqulaya xarunta ciidamada qalabka sida ee magaalada Khartoum iyadoo sita calamada dalkaasi, waxaana la wada sugayaa go’aanka ciidamada Suudaan.




