Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Soomaaliya Saadaq Cabdullaahi Cabdi oo kasoo laabtay dalka Turkiga ayaa faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo mashruucii dhismaha 10-ka kun ee Guri.
Wasiirka ayaa sheegay inuu kulamo dalka Turkiga uu kula soo yeeshey mas’uuliyiin kala duwan, waxaana ugu muhiimsan dabagalka qorshihii dhismaha toban kun ee guryo oo dowladda Turkigu ay balanqaaday oo uu sheegay in ay meel fiican marayaan.
“Safarkeena waxaa uu ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan arrimaha dib u dhiska, waxaan tagnay magaalooyinka Ankara iyo Anatalya, waxaana la kulanay mas’uuliyiin iyo ganacsato si fiican ayay inoo soo dhaweeyeen, waxaana kala hadalnay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dib u dhiska dalka, gaar ahaan arrrintii dhismaha toban kun ee guryo, ayaana kala hadalnay meel fiican ayay marayaan, dhawaan ayaana si faah faahsan uga hadli doonaa howlaha Wasaaradda”. Ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud.
Madaxda maamul Goboleedyada ayaa dowlada Federaalka ku eedayay inaan waxba laga siinin msharuuca guryaha ee Turkigu ballanqaaday, taasoo weli aanay xukuumadda faahfaahin ka bixin.