Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa shalay u dhoofay Boqortooyada Sacuudiga iyadoo raacay diyaarad gaar ah oo uu soo diray Sacuudiga.
Wasiirada jooga Sacuudiga waxaa ka mida: Maaliyadda, Iskaashiga Caalamiga ah, Beeraha, Gaadiidka Badda iyo Dekadaha, Xanaanada Xoolaha, waxaana socdaalkoodu la xiriiraa mashaariic Sacuudigu maalgelinayo inay kala hadlaan Sacuudiga.
Wasaaradaha ay quseeyaan heshiisyada ayaa la tegay Sacuudiga mashaariicda ay doonayaan inay maalgeliso Sacuudiga, taasoo qeyb ka ah balanqaad maaliyadeed oo Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis siiyay dowladda Soomaaliya.
Wafdigii Wasiirada Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweeyay Sacuudiga, waxaana kulamo ay la qaateen saraakiil loo diyaariyay ay ku sharxeen mashaariicda ay doonayaan in loo maalgeliyo.
Wafdigan ayaa ku dhex dhacay xaalada adag oo ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay mowqif dhexdhexaad ah ka qaadato khilaafka ka dhaxeeya Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxeeyn oo dhinac ah iyo dalka Qatar.
Sacuudiga ayaa ka doonaya dowladda Soomaaliya inay xiriirka Diblomaasi u jarto Qatar ama ugu yaraan ay hoos u dhigto, laakiin dowladda Soomaaliya ayaa arrintaasi iska soo taagtay, waxayna arrintan keentay in Sacuudiga uu hoos u dhigo booqashada wafdiga wasiirada Soomaaliya, mana jiraan wax war ah oo laga faafiyay wafdiga, waxaana muuqata in laga dhigay qarsoodi.
Wararka laga helayo Sacuudiga ayaa sheegaya in taageerada Sacuudiga ay ku xiran tahay sida Soomaaliya ugu hogaansanto codsiyada Boqortooyada Sacuudiga.
Wadani