Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Halkee ku danbeysay xuquuqdi Shirkadda RAJO CONSTRUCTION uga maqneyd dowladda Federaalka?

    Halkee ku danbeysay xuquuqdi Shirkadda RAJO CONSTRUCTION uga maqneyd dowladda Federaalka?

    May 22, 20174 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    MAXAY TAHAY SABABTA KEENTAY IN RAJO CONSTRUCTION XUQUUQDEEDA KU MAQAN DOWLADDA AY HELI WAYSO!?

    LA SOCODSIIN ARRIMO MUHIIM AH SHACABKA IYO DOWLADDA CUSUB!

    MADAXWEYNA FARMAAJO IYO GUDD. THAABIT MAXAY KA YIRAAHDEEN CADDAALAD-DARRADA KA JIRTA DALKA!?

    Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo wuxuu sheegay inuu la socdo inay jirto caddaalad-darro laga qabo dhanka Garsoorka, isagoo ballan qaaday in dowladdiisu ay wax badan ka qaban doonto.

    “Dowladdaydu waxay culays weyn saari doontaa dib u soo noolaynta caddaaladda, waxaana cod dheer ku sheegayaa in ay jiraan qorshooyin lagu soo celinayo caddaaladdii luntay” ayuu yiri Madaxweynaha oo sheegay inay ka go’an tahay ka miro dhalinta caddaaladda waayo ayuu yiri dal iyo dad aan haysan caddaalad waxay ka dhigan yihiin wax aan jirin, “

    Caddaalad-darrida ka jirta dalka waxaan kala xisaabtami doonaa shaqsiyaadka ka mas’uulka ah hay’ada khuseeya garsoorka dalka”

    Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Thaabit oo ka hadlayay xaflad si weyn loogu taageerayay Guddoomiyanimadiisa ayaa sheegay in caddaaladda ay saldhig u tahay Ammaanka iyo horumarka dalkaba, wuxuuna caddeeyay in ay wax weyn ka qaban doonaan sidii caddaaladda loo soo celin lahaa.

    HALKEE KU DAMBEYSAY DACWADDII BURBURKII WARSHADDII RAJO CONSTRUCTION AND TRANSPORTATION!?

    LA YAABKA Video hoos ka daawo.

    Waxaa Shirkadda Rajo Construction and Transportation Dhidibada loo taagey Bishii Abriil 10-keedii 2013, waxaana Munaasabadii lagu furayey oo ka dhacdey Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho ka qayb galey Qaybaha kala duwan ee Bulshada, Xildhibaano, iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada , waxayna Warshadan noqotey Warshaddii ugu horreysey oo nooceeda ah lagana furo Dalka , waxayna ku soo beegantey Xilli Madaxweyne Xasan Shiikh uu Qurba Joogta u jeediyey Baaq ah in ay Dalkooda Maalgashadaan, waxayna Warshadaan Maalintii soo saareysey Kumanaan Kun oo Bulukeeti oo Casri ah iyo Dhagax loo yaqaan Inter-Lock ee Guryaha iyo Hareeraha Wadooyinka la dhigto iyo qaybaha kala duwan ee qalabka dhismaha guryaha iyo waddooyinka.

    Hadaba Warsaxaafadeedkii ay soo saareen Masuliyiinta Shirkada uu u Qornaa Sidatan”

    BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM.

    Annagoo ah Mas’uiuliyiinta Shirkadda Rajo Construction and Transportation waxaan halkan ku soo gudbinaynaa qayb ka mid ah kuwii ugu muhiimsanaa Document rasmi ah oo caddaynaya heerarkii kala duwanaa oo ay soo martay dacwaddii ku saabsanayd dhulkii ay Shirkaddu degganayd, kuna shaqaynaysay ka hor inta aan la burburin dhammaan qalabkii shirkadda Rajo Construction iyo go’aannadii qaybaha Amniga iyo Caddaalladda ee dowladda.

    “Waxa keenay in aan Warsaxaafadeedkii 3-aad ku soo beegno oo aan la sugno dowladda cusub inta ay 100 maalmood u buuxsamayso waxay tahay inay sal dhigato, hay’adaha dowladdana ay gaaraan xilli ay cabashooyinka iyo dhibaatooyinka faraha badan ee jira ay wax ka qaban karaan”ayuu yiri Guddoomiyaha Shirkadda Abdiaziz Mohamed Hassan ahna maamulaha AYAAMAHA Press and Printing (APP) oo sheegay inuu rajo weyn ka qabo magdhowgooda inay si dhaqso leh u helaan.

    “Sababta keentay in RAJO CONSTRUCTION ay xuquuqdeeda ku maqan dowladda muddo ku dhow 4 sanadood ay heli wayso, waa arrin is weydiin mudan oo runtii aad loola yaabo in la ogaadana ay muhiim tahay” ayuu yiri Guddoomiyaha Shirkadda oo sheegay in baaritaannadii ay sameeyeen hay’adihii dowladda ee ku shaqada lahaa dhammaantood ay caddeeyeen in dowladda xaq loogu leeyahay inay magdhowga bixiso.

    Haddaba shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaba waxaan u caddaynaynaa haddii aan nahay Mas’uuliyiinta Shirkadda Rajo Construction in si qalad ah oo aan sharciga waafaqsanayn loo burburiyay Hantideenii waana kuwan qaybo ka mid ah caddaymihii;

    CADDEYN DUKUMENTIYO MUHIIM AH!

    FIIRO GAAR AH; Haddii aan nahay mas’uuliyiinta Shirkadda Rajo Construction waxa aan aad uga xunnahay annagoo noqonay Shirkaddii ugu horreysay ee ka jawaabta baaqii Madaxweynaha iyo Dowladdaba ee ahaa in Qurbo-joogta ay maalgashadaan dalkooda, weliba shirkaddeena ay si gaar ah ugu hawlanayd dib u dhiska dalka maadaama qalabka iyo Warshaddaba ay ahayeen kuwa dib loogu dhisayo dalka, haddana ay dowladdii sababsato, si aan sharci ahayn u burburiso.

    CODSI; Waxaan ka codsanaynaa dowladda, gaar ahaan Madaxweyne, Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, mag-dhowga xaqa loogu yeeshay dowladda in si dhaqso leh na loo siiyo, sababtoo ah way dheeraatay dacwaddeena wayna 4 jirsatay!

    LA YAABKA Video hoos  ka daawo markii ay ay shaqeyneysey Warshad Rajo Construction and Transportation iyo markii la Burburiyey

    https://www.youtube.com/watch?v=-M4FSBqRw5Q

    Mahadsanidiin

    Guddoomiyaha Shirkadda Rajo Construction 

    Abdiaziz Mohamed Hassan

    Abdiaziz Mohamed Hassan Shirkadda Rajo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO YAABKAN: Askarigii ugu horeeyay ee Robot ah oo ku biiray Booliska magaalada Dubai
    Next Article SAWIRRO: Ciidamadii loo sameeyay Muqdisho oo howgal ku soo qabtay hubkii ugu badnaa

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo