Hanti dhowraha guud ee Qaranka Nuur Faarax oo ahaa mas’uul looga bartay inuu la dagaalamo musuqmaasuqa iyo lunsashada Hantida Qaranka ayaa mar kaliya isbedelay kadib markii qoraal uu soo saaray shalay 23 Ogost 2015 uu ku shaaciyay in Dowladda Hoose ee Xamar ay si sharciga waafaqsan u maamusho arrimaha Dhulalka oo muddooyinkan danbe muran weyn ka taagnaa isla markaana fadeexado badan ka soo baxeen.
Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska Hanti dhowraha guud ee Qaranka una qorneyd qaab fool xun oo qoraalka Afka Soomaaliga la isku daray ayaa Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) looga dhigay mas’uul nadiif ah, iyadoo la ogyahay inuu inta badan hantidii guud ee Qaranka sida jardiinooyinkii, xarumihii wasaaradaha iyo Wakaaladaha dowladda iyo dhulkii danta guud ku wareejiyay dad caadi ah.
Lama oga waxa keenay inuu xilligan hanti dhowrka guud soo saaro qoraalkan, laakiin waxay tani caddeyn u tahay in xafiiska hanti dhowrka guud uu ku dhex milmay xafiisyadii kale ee dowladda.
Akhriso lifaaqa qoraalka ka soo baxay xafiiska Hanti dhowraha guud ee Qaranka
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]