Hantidhawraha Guud ee Qaranka ayaa qoraal uu soo saaray oo ku socday Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Faderaalka ku dalbaday la hakiyo, qaarna la dhimo lacago la siin jirey Hay’ado dhowr ah.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Hantidhowraha Guud ayaa lagu sheegay in tallaabadaan uu Xafiiska u qaaday in lagu beekhaaminayo hantida dowladda iyo in la hubiyo in qarashka haatan ku jira gacanta dowladda in loo isticmaalo adeegyada muhimka u ah muwaadiniinta iyo kobcinta awoodda dowladda.
Hay’adahan ayaa u badan kuwo aan shaqo muhiim ah heynin, qaar markii horeba shaki badan ku jiray iyo lacago ka badan baahidooda loo qoray oo miisaaniyadda dowladda ka qaadan jiray, iyagoo aan xisaab xirin.
Hay’adaha la hakiyey in wax kharash ah la siiyo:
1- Bangiga Horumarinta Ganacsiga Soomaaliyeed
2- Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.
Hay’adaha laga dhimay qoondadii (%) ay ku lahaayeen KLharashka dowladda:
1- Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (oo laga dhigayo 0.5% -hal barkiiis)
2- iyo Gobolka Benaadir (oo laga dhigay 10%, halkii ay ka ahayd 15%)
Bangiga Horumarinta Ganacsiga Soomaaliyeed oo magac ahaan u jira iyo Rugta Ganacsiga (Somali Chamber Of Commerce & Industry) oo ah ganacsato miisaaniyadda dowladda ka hela lacago badan ayaa muddo dheer qaadanayey lacago far badan oo miisaaniyadda Dowladda ugu jirtay, iyadoo waxqabadkoodu jirin ama aanay jirin wax kasoo noqda.

