Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Hanti-Dhowrka oo shaaciyay Madax iyo Shaqaale Dowladeed oo lunsaday 21 Milyan Dollar

    Hanti-Dhowrka oo shaaciyay Madax iyo Shaqaale Dowladeed oo lunsaday 21 Milyan Dollar

    June 21, 2023Updated:June 28, 20233 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka ayaa soo saaray warbixin ku saabsan musuqmaasuq muddo 5 sano ah ka taagnaa Hay’adaha dowladda Soomaaliya qaarkood oo lagu lunsaday lacag dhan 21 Milyan oo Dollar.

    Warbixin ku saabsan Kiiskan weyn ee la kashifay ayaa lagu sheegay in baaritaanka oo dhan loo gudbiyey Xeer ilaalinta Qaranka, iyadoo ay ku lug leeyihiin hay’adaha kala ah: Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, ayna wehliyaan Xafiisyada qabashada dakhliga, xisaabinta iyo xaraynta dakhliga oo kala raacsan Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Xisaabiyaha guud iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya

    HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA

    “Xafiiska Hantidhawrka guud ee Qaranka ayaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer- ilaaliyaha guud ee Qaranka Warbixin Baariseed Fatash ah (Forensic Audit Report) oo Xafiiska Hantidhawrku ku sameeyay Waaxda bixinta ruqsadda shaqada ee shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (MOLSA Work permit department), Waaxda kordhinta dal ku joogga shisheeyaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (IND Visa Extension), Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Maaliyadda, Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Bankiga Dhexe Soomaaliya iyo Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

    Warbixin baariseedkan fatashka ah ee Xafiiska Hantidhawrku ku wareejiyey Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa muujisay in khasnadda dhexe ee dowladda Soomaaliya uu ka maqan yahay dakhli ay xafiisyadaasi soosaareen oo gaaray 21 Milyan oo dollar intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023, taas oo ku maqan mas’uuliyadda iyo maamulka Xafiisyada bixiya adeegyada kordhinta fiisaha iyo ruqsadda shaqada oo kala raacsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada iyo Hay’adda Scodaalka iyo Jinsiyadda iyo sidoo kale Xafiisyada qabashada dakhliga, xisaabinta iyo xaraynta dakhliga oo kala raacsan Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Xisaabiyaha guud iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

    Baarista Fatashka ah ee Xafiiska Hantidhawrku ku sameeyey hay’adahan ayaa dabooleysa intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023. Waxaana ku lug leh dad isugu jira madax iyo shaqaale dowladeed iyo dad shacab ah oo xiriir wadashaqeyneed la leh hay’daha dowladda ee Baaristu khuseyso.

    Hay’adaha qaabilsan hufnaanta iyo dhaqan-gelinta sharciga ee dowladda Soomaaliya waxa ay wadaan olole lagula dagaalayo musuqa iyo wax- isdamarinta oo sabab u ah gaabiska iyo caajiska miisaaniyadda dalka. Hay’adahan oo ka ambaqaadaya waajibkooda shaqo waxa ay ugu baaqayaan dhammaan madaxda iyo shaqaalaha ka shaqeeya ilaha dakhliga dowladda Soomaaliya in ay muujiyaan mas’uuliyad iyo feejignaan dheeri ah ayna xilkooda u gutaan sida ugu habboon.

    Sidoo kale Hay’adaha qaabilsan hufnaanta, ilaalinta iyo dhaqangelinta sharciga ee dowladda Soomaaliya waxa ay Dadweynaha Soomaaliyeed ka codsanayaan in dowladda lagu taageero laguna garab-istaago dagaallada ka dhanka ah musuqa iyo Khawaarijta Alshabaab.

    La dagaallanka musuq-maasuqa iyo Khawaarijta Alshabaab waa qorshe qaran oo qof walba oo Soomaali ah ay ku jirto dantiisa maanta iyo mustaqbalka carruurtiisa.

    Ujeeddada baaristan Fatashka ah oo keli ah waa kahortagga musuqa, wax is daba-marinta iyo ku takrifalka dakhliga yar ee dowladda Soomaaliya ka soo gala ilaheeda dhaqaalaha, mana jirto habayaraatee cid, koox iyo qof gaar ah oo uu lid ku yahay ololahan la dagaallanka musuqa iyo lunsiga dakhliga dowladda Soomaaliya.

    DHAMMAAD

    hanti dhowrka Maaliyadda Musuq Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin: Qaraxyo Is-miidaamin ah oo ka dhacay Xerada ciidamada ee Baardheere
    Next Article Qarax Gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Qofkii watay oo ku gubtay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo