Haweeneyda ugu raadinta badan ee dowladda Kenya a madaxeeda saartay lacag dhan 2 Milyan oo Shilinka dalkaasi ah ayaa meydkeeda la helay.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Fatuma Mohamed Masou ayaa loo heystay inay ka mid tahay koox argagixiso ah oo ku xiran Alshabaab, kana howlgasha dalka Kenya, waxayna booliska baxsad ka ahayd ilaa Septemer sanadkii hore.
Haweeneydan ayaa ninkeeda Kassim Omondi ay hore u dileen ciidamada Kenya isagoo lagu sheegay inuu argagxisada ka tirsanaa. Meydkeeda ayaa laga helay duleeka Naivasha muddo bil ah ka hor, iyadoo aan la shaacin xilligaasi.
Haweeneydan ayaa lagu eedeeyay inay qarineysay nin kale oo booliska ay baadigoobayeen, kaasoo lagu magacaabo Ishmael Shosi, oo isna lagu diley weerar lagu qaaday guri uu ku sugnaa magaalada Mombasa.
Waxaa la sheegay in ay ahayd haweeney hubeysan, halis ah, oo si dhow ugu xiran kooxaha argagixisada ee ka howlgala Soomaaliya.
Kenya ayaa soo bandhigtay laba nin oo argixiso ah kuwaasoo doonayay inay weeraro ka geystaan gudaha Kenya xiliga fasaxa ee Easter-ka.
Wadani.com