Haweenay ka tirsan booliiska Maraykanka oo ku jirtay fasax ayaa iyadoo biskooladeedii ku wadata boorsada gacanta ka duushay garoonka caalamiga ah ee Los Angeles, iyadoo ku sii jeeday Taiwan.
Qalabka baaritaanka ee garoonka ayaan qabanin bistooladda, Noell Grant ayayna u xaqiiqawday in ay bistoolad wadato markii ay damacday in ay diyaarad kale ka raacdo Taipei.
Masuuliyiintii garoonka ayay ku wargalisay waxaana laga hor istaagay in ay ka baxdo Taiwan inta arrintaas xal looga helayo. Saraakiisha faderaalka ee Maraykanka ayaa qirtay in aan si wanaagsan loo raacin nidaamkii ammaanka ee garoonka LAX.
“Masuuliyiintu ma aysan raacin “nidaamkii garoonka u dajisnaa, askariyadduse si sax ah ayay u martay goobaha lagu baaro ammaanka ee garoonka” ayuu yiri Nico Melendez oo ka tirsan masuuliyiinta waaxda maamusha ammaanka gaadiidka Maraykanka.
Wuxuu hadalka sii raaciyay in “dadka masuulka ka ah arrintaas si munaasab ah loola xisaabtami doono.”