Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Haweeney hoggaamisa Xisbiga Dimoqraadiga ee Mareykanka oo jeedisay Khudbad socotay 8-Saacadood

    Haweeney hoggaamisa Xisbiga Dimoqraadiga ee Mareykanka oo jeedisay Khudbad socotay 8-Saacadood

    February 8, 20182 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hoggaamiyaha aqlabiyadda yar ee Aqalka Congress-ka Maraykanka Nancy Pelosi oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ayaa jeedisay khudbaddii ugu dheereyd muddo Qarni ah, iyadoo hadlaysay muddo 8 saacadood oo xiriir ah.

    Waxa ay mid mid usoo qaadatay qisooyinka dadka yaraantoodii sharci darada lagu geeyay Maraykanka, kuwaas oo mustaqbalkooda uu muran weyn ka taaganyahay. Waxa ay doonaysaa in dadkaas laga difaaco in la tarxiilo, iyada oo ku badalanaysa wadahadal ay ka galayaan miisaaniyadda Maraykanka.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa doonaya in uu dalka Maraykanka ka saaro malaayiin qof oo yaraantoodii sharci darro lagu keenay, dhinaca kalena waxa uu doonayaa in Congress-ka uu u ansixiyo miisaaniyad uu ka mid yahay qarashkii lagu dhisi lahaa darbiga Mexico.

    “Haddii aynu nahay xubnaha Congress-ka, waxaa na saaran waajib damiireed oo ah in aan difaacno dadka yaraantoodii yimid, kuwaas oo ah sharafta qarankeena, waana dadka Amerikaan ah dhinac kasta, balse aanan diiwaangashanayn” ayay tiri Pelosi.

    Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa si weyn u hadal hayay saacadaha dheer ee ay hadashay, waxayna qaarkood tilmaameen in biyo kaliya ay marmar kabanaysay intii ay hadlaysay.

    Taageerayaasheeda iyo xisbiga dimoqoraadiga ayaa ugu hambalyeeyay qudbadeeda dheer, balse xildhibaanada jamhuuriga ayaa ku eedeeyay in ay lumisay waqti badan oo aanan loo baahnayn.

    Pelosi wax sharci ah ma aysan jabinin, inkasta oo ay jiraan sharciyo qofka u jaangoynaya waqtiga uu hadli karo, haddane xilka hoggaamiyaha xisbiga aqlabiyadda yar ayaa u suurtogalinaya in ay hadasho intii ay doonto. Waxayna hadashay saacado badan oo xitaa ka badan inta uu madaxweyne qudbad jeedin karo.

    Qofkii ka horeeyay ee taariikhda inta la ogyahay saacado badan hadlay waxa uu ahaa Champ Clark oo hadlay shan saac iyo 15 daqiiqo sanadkii 1909-kii, sida uu sheegay taariikhyahanka Aqalka.

    Nancy Pelosi US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXuska 8-da Febraayo ee Doorashadii Farmaajo iyo Wararkii ugu danbeeyay ee Magaalada Muqdisho
    Next Article DAAWO: Waxqabadkii iyo Fashilkii Madaxweyne Farmaajo [Warbixin ku saabsan Sanadguurada 8-da Ferbaayo]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo