Haweeneyka mida shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya ayaa ka badbaaday Qarax loogu xiray Gaarigeeda oo galabta ka dhacay dhabarka danbe ee Hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.
Haweeneyda oo magaceeda lagu sheegay Jamiila Shaaciye ayaan gaariga la socon xilliga uu qarxay, waxaana la sheegay inuu darwalka ogaaday inuu qaraxa Gaariga saaran markii uu ka shakiyeyna uu ka degaym kana fogaaday, iyadoo muddo yar kadib uu gaarigii qarxay.
Ma jiro wax qasaare ah oo qaraxa gaariga uu geystay marka laga reebo Gaariga oo bas beelay iyo guri ku dhowaa oo waxyeelo soo gaartay, waxaana goobta tegay ciidamada amniga oo la sheegay inay kaxeysteen sayga haweeneyda gaariga lahayd si ay su’aalo u weydiiyaan.
Dhinaca kale weriyeyaal goobta u tegay inay sawirro iyo muuqaallo kasoo qaadaan qaraxa Gaariga ayaa xabsiga loo taxaabay, waxayna kala ahaayeen: Cismaan Aweys Baxar, Cabduwahaab Aadan Cabdiraxaan iyo Mukhtaar Xuseen Aadan, waxaana xariga weriyeyaasha ka danbeeyay Ciidamo dowladda amniga.



