Wararka laga helayo magaalada Makelle ee caasimada Gobolka Tigray ayaa sheegaya in Guddoomiyihii hore ee Aqalka Federaalka Itoobiya ay isu dhiibtay dowladda Itoobiya.
Sida ay baahiyeen Warbaahinta raacsan dowladda Itoobiya Keria Ibrahim ayaa isu dhiibtay ciidamada Itoobiya, waxayna Bishii June e sanadkan iska casishay guddoomiyaha Aqalka Federaala ee Baarlamaanka Itoobiya, iyadoo ka hor timid dib u dhigistii lagu sameeyay Doorashadii Itoobiya.
Markii ay xilka iska casishay waxay Keria Ibrahim ku laabtay magaalada Makelle caasimadda Tigray, halkaasoo ay qabsadeen ciidamada Itoobiya, kadib dagaal socday saddex toddobaad oo ay la galeen ciidamada Itoobiya.
Keria Ibraahim waxaa xilka afhayeenka Aqalka Federaalka ee Baarlamaanka Itoobiya loo doortay 30-kii April 2018. Waxay ka mid ahayd Guddiga Fulinta Jabhadda TPLF oo dowladda Itoobiya ay raadineyso.
Itoobiya ayaa weli raadineysa madaxdii TPLF oo weli dagaal kula jira ciidamada Itoobiya waxayna sheegeen inay dagaal dhuumaaleysi ah bilaabeen, kuwaasoo uu hoggaaminayo madaxweynihii Gobolkaasi Debretsion Gebremichael.
