Koox hubeysan ayaa Suuqa Bakaaraha ku dilay Gabar la sheegay in ay u shaqeynaysay Hay’adda UN ah.
Gabadha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maryan Cabdullaahi waxaana u shaqeynaysay Hay’adda caafimaadka adduuka WHO qeybteedda degaanada Koonfur Galbeed.
Rag dhalinyaro ah oo watay Bistoolado ayaa gabadha toogasho ku dilay, waxaana la sheegay intaasi ka dib in ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo goobta tagay ayaa halkaasi ka wadda howlgallo.
Dilka ayaa ka dhacay Bosteejada Baabuurta Baydhbabo ee Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.