Haweenay ku caanbaxday jilitaanka aflaanta galmada ah ayaa sheegtay in loo digay oo loo sheegay in ay ka aamusto eedaymaheeda ay jeedisay ee sheegaya inay la seexatay Donald Trump sanadkii 2006-dii.
Stormy Daniels ayaa Barnaamij ka baxay Telefishanka CBS News ee dalka Mareykanka u sheegtay in nin uu soo qaabilay sannadkii 2011kii iyada oo ku sugan goob gawaarida la dhigto oo ku taalla Las Vegas. Ninkaas ayayna ku eedaysay in uu ku yiri “Trump faraha kala bax” intaas ka dibna uu fiiriyay gabadheeda yar hadalkiina ku sii daray “waxay noqon arrin weji gabax leh haddii ay hooyadeed wax ku dhacaan.”
Trump ayaa diiday in ay wax ka dhexeeyeen gabadhan atariishada ah. Qareenadiisuna waxay raadinayaan in ay bixiso 20 milyan oo magdhaw ah, waxayna sheegeen in ay jabisay heshiis doorashadii 2016kii ka hor dhacay oo ku saabsanaa in wax la qariyo. Waxay sheegtay in sheegashadaas aysan waxba ka jirin.
Daniels, oo magaceeda rasmiga ah uu yahay Stephanie Clifford ayaa sheegtay in Trump uu u galmooday hal mar iyaga oo ku sugan qol huteel. Waxaa la siiyey lacag dhan 130-kun oo doolar si aysan fadeexadaasi u faafin.
Arrintaasina ay dhacday bishii Luulyo ee sannadkii 2006 iyadoo uu markaas socday tartan golf oo ay dadka caanka ah lahaayeen. Trump wuxuu xaaskiisa Melania guursaday sannadkii 2005.