Haweenay hore la-taliye u ahayd madaxweyne Donald Trump ayaa baahisay cajalad sir ah oo ay ka duubtay Madaxweyne Donald Trump.
Cajalkan oo cod ahaa oo laga sii daayay talefishinka NBC, waxaana laga maqlay cod u eg kan Trump oo haweenaydan Omarosa Manigault uu kula hadlayo, kuna leeyahay “Qofna iima sheegin arrintan”, isaga oo ula jeeda in iyada shaqada laga eryay maalin ka hor, tasoo muujineysa inuusan ka war qabin shaqo ka ceyrinteeda, laakiin uu si weyn u difaacay iskana dhigay inuu ka war hayey.
Haweenaydan ayaa soo saaraysa buug xusuus qorkeeda ah, waxayna kaga hadlaysaa waxyaabihii ay kala kulantay Aqalka Cad. Trump oo isniintii fariin soo dhigay boggiisa Twitterka ayaa dhaleeceeyay haweenaydan, wuxuuna sheegay in ay eedeysay kaliya markii iyada shaqada laga eryay, isaga oo sidoo kale ku eedeeyay in ay tahay qof aanan karti lahayn.
Garyaqaanka Trump ninka lagu magacaabo Rudy Giuliani ayaa sheegay in laga yaabo in haweenaydan ay sharciga jabisay maadaamaa ay duubtay wada sheekeysi sir ah.
Omarosa Manigault iyo Trump ayaa is bartay xilligii uu daadihiyaha ka ahaa barnaamijka The Apprentice, waxayna sidoo kale la taliye uga noqotay arrimaha Afrikaanka Amerika xilligii ololaha doorashada 2016-kii.
HOOS KA DAAWO WAREYSIGA LALA YEESHAY Omarosa Manigault